HomeWararKaalmo la gaarsiiyay dadkii uu saameeyay fatahaada Wabiga

Kaalmo la gaarsiiyay dadkii uu saameeyay fatahaada Wabiga

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo fariisin ku leh magaalada Dhuusamareeb ayaa kaalmo soo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee magaalada Baladweyne. Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in kaalmo ay iska jareen ciidamada soo gaarsiiyeen Beladweyne, “Waxaan ahayn saraakiil booqasho ku […]

- Advertisement -

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo fariisin ku leh magaalada Dhuusamareeb ayaa kaalmo soo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee magaalada Baladweyne.

Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in kaalmo ay iska jareen ciidamada soo gaarsiiyeen Beladweyne,

- Advertisement -

“Waxaan ahayn saraakiil booqasho ku timid Beladweyne, una soo gurmaday shacabkooda Beladweyne ku nool, waxaana ka nimid Dhuusamareeb, waxaana walaalaheen ugu deeqday kaalmo yar oo ciidanka Qalabka sida ay iska gooyeen oo ay dadkooda ugu tabaruceen, waxaan rabnay inaan qalbigeena tusno” ayuu yiri  Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale.

Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa sheegay in shacabka reer Galmudug ay iminka wadaan dadaallo kaalmo loogu arruurinayo Walaalahood ay fatahaaduhu saameeyeen, ayna dhankooda diyaar u yihiin inay soo galbiyaan marka ay kaalmada iska soo aruuriyaan shacabka Galmudug, si loo soo gaarsiiyo Beladweyne.

Cabdraxmaan Axmed Caraale ayaa ugu baaqay bulshada inteeda kale inay dhankooda kaalmada la soo gaaraan shacabka ku dhibaateysan duleedka Beladweyne ee ka soo barakacay fatahaadaha.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories