HomeCaalamkaDibadbaxayaal Careysan oo toogasho lagu dilay

Dibadbaxayaal Careysan oo toogasho lagu dilay

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Ciidamada ammaanka Iraq ayaa xalay dilay ugu yaraan 14 qof kadib weerar ay ku qaadeen dibad-baxayaal ku sugnaa magaalada Karbala. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in boqolaal kale la dhaawacay, ayada oo banaan-baxyada ka dhanka ah dowladda ay galeen maalintii shanaad oo xiriir ah. Dibad-baxayaasha ayaa jebiyey bandow cusub kadib markii mas’uuliyiinta Iraq ay shacabka amreen […]

- Advertisement -

Ciidamada ammaanka Iraq ayaa xalay dilay ugu yaraan 14 qof kadib weerar ay ku qaadeen dibad-baxayaal ku sugnaa magaalada Karbala.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in boqolaal kale la dhaawacay, ayada oo banaan-baxyada ka dhanka ah dowladda ay galeen maalintii shanaad oo xiriir ah.

- Advertisement -

Dibad-baxayaasha ayaa jebiyey bandow cusub kadib markii mas’uuliyiinta Iraq ay shacabka amreen inaysan isugu bixi karin waddooyinka, laga billaabo saqda dhexe illaa 6 subaxnimo.

Sadex qof oo kale ayaa Isniintii lagu dilay, ayada oo boqolaal lagu dhaawacay isku dhac dhex maray booliska iyo dibad-baxayaasha.

Tallaabo baarlamanka uu qaaday oo lagu ansixiyey sharci joojinaya mudnaanta iyo lacagaha gunnada ah ee la siiyo siyaasiyiinta sare, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaan waxba ka tarin inuu dejiyo dibad-baxayaasha.

- Advertisement -

Ardayda iyo dibad-baxayaasha kale ayaa ka carreysan musuq-maasuq lagu eedeeyey dowladda, kobac la’aanta dhaqaalaha iyo adeeg xumada dowladda, inkasta oo Iraq ay qani ku tahay saliidda.

Warreegii ugu dambeeyey ee dibad-baxyada ee Baghdad iyo magaalooyinka kale ee Ciraq ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 86 qof tan iyo Jimcihii. Tiradan ayaa ku kordheysa ku dhowaad 150 qof oo kale oo la dilay horaantii bishan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories