HomeWararHirshabeelle oo dib u dhigtay furitaanka Kal-fadhiga 7-aad Baarlamaanka iyo sababta

Hirshabeelle oo dib u dhigtay furitaanka Kal-fadhiga 7-aad Baarlamaanka iyo sababta

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa Maanta oo Isniin waxaa kulan Deg-deg ah ku yeeshay Guddiga Joogtada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Kulankan ayaa intii uu socday ayaa waxaa lagu Go’aamiyay in dib loo dhigo furitaanka kal-fadhiga 7-aad Baarlamaanka Hirshabeelle oo Maanta lagu waday inuu furmo, maadaama uu socdo gurmadka fatahaada Webiga Shabeelle. Guddiga Joogtada Baarlamaanka […]

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa Maanta oo Isniin waxaa kulan Deg-deg ah ku yeeshay Guddiga Joogtada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Kulankan ayaa intii uu socday ayaa waxaa lagu Go’aamiyay in dib loo dhigo furitaanka kal-fadhiga 7-aad Baarlamaanka Hirshabeelle oo Maanta lagu waday inuu furmo, maadaama uu socdo gurmadka fatahaada Webiga Shabeelle.

- Advertisement -

Guddiga Joogtada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Go’aan ku gaaray in dib loo dhigo furitaanka Baarlamanka muddo 10-maalmood ah, wuxuuna furmi doonaa 7-da Bisha soo socota ee November ee sanadkan.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxaa uu isla gartay in Xildhibaanada ay ka wada qeyb qaatan  gurmadka loo sameeynayo dadka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne ee uu saameeyay  Fatahaada Webiga Shabeelle.

Waa markii labaad ee dib loo dhigayo furitaanka kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle, marka koowaad ayaa waxaa shaaciyay inuu furmayo 23-ka Bishan Octoober, hayeeshee dib dhinac ayaa ku yimid, waxaana lagu dhawaaqay inuu furmo Maanta Kal-fadhiga, hayeeshee dib ayaa loo dhigay ilaa muddo 10-maalmood ah.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories