HomeWararGuddiga Gurmadka Fatahaadaha “Baladweyne waxaa ka jirta Xaalad halis ah”

Guddiga Gurmadka Fatahaadaha “Baladweyne waxaa ka jirta Xaalad halis ah”

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalka oo toos ugala hadlay bulshada, TV ga Qaranka ayaa sheegay in xaaladda Beledweyne ay tahay mid Qatar badan ay ka jirto isla markaana xaaladda uu uga sii daray roobkii xalay ka da’ay magaaladaas. Guddoomiyaha guddiga wasiirka gargaarka XFS Xamsa Saciid Xamsa ayaa Ku dhawaaqay in roobkaasi […]

- Advertisement -

Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalka oo toos ugala hadlay bulshada, TV ga Qaranka ayaa sheegay in xaaladda Beledweyne ay tahay mid Qatar badan ay ka jirto isla markaana xaaladda uu uga sii daray roobkii xalay ka da’ay magaaladaas.

Guddoomiyaha guddiga wasiirka gargaarka XFS Xamsa Saciid Xamsa ayaa Ku dhawaaqay in roobkaasi uu sababay in garoonkii diyaaradaha uu xirmay isla markaana xaaladda ay uga sii dartay.

- Advertisement -

Guddiga waxa ay ku booriyeen Shacabka Soomaaliyeed iney ka wada qeybqaataan sida walaallahooda loo caawin lahaa, si gaar ah ganacsatada ku nool Galmudug, Puntland iyo gobollada ku dhow dhow iney gurmad uu raashiin ugu horeeyo la gaaraan walaalahooda fatahaaduhu saameeyeen.

Guddiga waxa uu sheegay in Gurmadka uu ku bilowday dar dar xoogan islamarkaana ay Dowladda Gurmadkii ugu horeysay shalay Beledweyn gaarsiisay, maantana ay guddiga la kulmeen Hay’adaha gargaarka oo kuwa QM ugu horeeyaan islamarkaana uu gargaar raashiin oo ka imaanaya Gaalkacyo uu kusoo wajahan yahay Beledweyn, sidoo kalena maanta ay bilowdeen gurmad diyaaradaha qumaatiga u kaca .

Guddiga ayaa dalbaday in cidkasta oo dhibaatooyinka dhacay magacooda gargaar Ku aruurinaysa waa in ay guddiga la wadaagaan cidii aan uhugaansamina lala xisaabtami doono.

- Advertisement -

Ugu dambeyn guddiga waxa ay shaaciyeen iney sameyn doonaan Maxkamad guur guurta taasi oo deg deg u qaadaysa kiisaska cidii lagu helo iney musuq maasuqdo gar gaarka dadka tawaaleeysan loogu talagalay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories