HomeWararDibadbaxyo Xoogan oo ka socda Baqdaad iyo dad hor leh oo ku...

Dibadbaxyo Xoogan oo ka socda Baqdaad iyo dad hor leh oo ku biiray

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Ardayda iyo ciyaal iskuulka ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Baghdad iyo koonfurta Iraq, si ay ugu biiraan dibad-baxyada ku baaqaya in dowladda ay is-casisho. “Iskuul ma jiro, fasallo ma jiraan illaa maamulka uu ka burburo” ayey ku qeylinayeen dibad-baxayaasha magaalada Diwaniyah, oo 180 km koonfur galbeed ka xigta magaalada Baghdad. Magaalada Baghdad iyo koonfurta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ardayda iyo ciyaal iskuulka ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Baghdad iyo koonfurta Iraq, si ay ugu biiraan dibad-baxyada ku baaqaya in dowladda ay is-casisho.

“Iskuul ma jiro, fasallo ma jiraan illaa maamulka uu ka burburo” ayey ku qeylinayeen dibad-baxayaasha magaalada Diwaniyah, oo 180 km koonfur galbeed ka xigta magaalada Baghdad.

- Advertisement -

Magaalada Baghdad iyo koonfurta dalka ayaa waxaa ruxay wareeggii labaad oo dibad-baxyo ka dhan ah dowladda oo lagu eedeeyey musuq-maasuq, shaqo la’aan iyo adeego xumo.

Isku dhacyo ka dhashay dibad-baxyada ayaa waxaa lagu dilay 70 qof, tan iyo khamiistii.

Midowga jaamacadaha iyo iskuulada Diwaniyah ayaa maanta ku dhowaaqay toban maalmood oo shaqo joojin ah “ilaa uu ka dhaco taliska Ciraq”, ayada oo kumanaan arday iyo macallimiin jaamacadeed ay isugu soo baxeen waddooyinka.

- Advertisement -

Sidoo kale, qareenno iyo injineero ayaa ku biiray dibad-baxyada, ayaga oo xannibaado dhigtay waddooyinka loo maro xarumaha dowladda, si ay uga hortagaan in shaqaalaha dowladda ay gaaraan xafiisyadooda.

Dibad-baxyada ayaa imanaya ayada oo wasiirka tacliinta sare uu axaddii uga digay bahda waxbarashada inaysan ka qeyb qaadan dibad-baxyada.

Afhayeen u hadlay ra’iisul wasaare Adel Abdel ayaa xitaa ku hanjabay in iskuuladii ka qeyb gala dibad-baxa ay “ciqaab adag mari doonaan.”

Balse dibad-baxayaasha ayaa iska dhego-tiray hanjabaadahaas, ayaga oo waddooyinka isugu soo baxay maanta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories