HomeWararWasaaradda Caafimaadka XFS oo Shir muhiim ah ka furtay Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Shir muhiim ah ka furtay Muqdisho

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Kulankan Wadatashiga  ah oo socon doona muddo 5 cisho ah waxaa soo qaban qaabisay wasaradda caafimaadka Soomaaliya, waxaana looga hadlayaa dhammeystirka qorshaha Qaran ee sugnaanta caafimaadka. Shirka oo ay ka soo qeyb galeyn mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ,xubno ka socday maamul goboleedyada, dhaqaatiir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale ayaa lagu gorfeeyay  qaabka ugu […]

- Advertisement -

Kulankan Wadatashiga  ah oo socon doona muddo 5 cisho ah waxaa soo qaban qaabisay wasaradda caafimaadka Soomaaliya, waxaana looga hadlayaa dhammeystirka qorshaha Qaran ee sugnaanta caafimaadka.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeyn mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ,xubno ka socday maamul goboleedyada, dhaqaatiir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale ayaa lagu gorfeeyay  qaabka ugu wanaagsan ee  loo dhammeystiri karo qorshaha Qaran ee sugnaanta caafimaadka dalka oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Soomaaliya Maxamuud Buulle Maxamed oo shirka furay ayaa Sheegay in ay muhiim tahay in ka qeyb galayaashu ay si  wadajira uga shaqeeyaan sidii barnaamijkan uu u guuleysan lahaa maadaama caafimaadku uu ka mid yahay waxyaabaha aasaasiga u ah Aadanaha.

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa mudadada uu socdo waxaa ay is weydaarsan doonaa fikrado iyo tusaalooyin ku saabsan dhammeystirka qorshaha Qaran ee sugnaanta caafimaadka, iyadoo gabagabada kulankana la filayo inay kasoo baxaan qodobo muhiim ah oo horseedi kara in la helo qorshe caafimaad oo dhammeystiran.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories