HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga Maamulka Dakhliga

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan.

- Advertisement -

“Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.”

Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa uu kulan gaar ah la qaatay Wasiirrada iyo Madaxda Waaxyaha Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, waxa uuna si mug leh ugu soo bandhigay dhibaatada musuqmaasuqa laga dhaxlo, isaga oo adkeeyey go’aan adayga iyo tallaabooyinka muuqda ee Dowladdu ay ku wajahayso.

Munaasabbadda Saxiixa Sharcigan waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdullaahi Cali Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi), Wasiiru-Dowlaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocoow, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Hanti-dhoraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamuud.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories