HomeWararMadaxweynaha Puntland oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay wefti ballaaran oo uu hogaaminayey Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian. Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Kulanka kadib  Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay wefti ballaaran oo uu hogaaminayey Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Kulanka kadib  Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si wadajira uga warbixiyey muhiimadda kulanka iyo arrimihii looga wadahadlay, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in safiirka ay tahay markiisii labaad oo uu yimaado Puntland, waxaa uu xusay in booqashadiisu ay kusoo beegmayso xilli Puntland isu diyaarinayso maalgashi iyo kobocdhaqaale.

- Advertisement -

“Maanta waxaa nagu soo booqday magaalada Garoowe safiirka dalka shiinaha ee Soomaaliya oo xaruntiisu tahay Muqdisho, runtii waa markii labaad oo uu yimaado Garoowe, waan uga mahadcelinayaa safiirka booqashadiisa, isagoo metelaya dalka Shiinaha oo xiriir dheer oo taariikhiya la leh dalka Soomaaliya, guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland”

“Waan ku faraxsanahay booqashadiisa ku salaysnayd inaan isdhaafsano aaraa iyo aragti, Puntland oo marayso heerka horumarinta dhaqaalaha inuu soo booqdo, iyadoo ay joogaan shirkado shiinays ah oo dalka horena u maalgeliyey, haddana maalgelin kaleeto ka samayndoona haddii Alle idmo, shirkadahaas oo runtii u caansan tahay shirkadda CCECC oo dhistay garoonka Diyaaradaha Boosaaso, hadana mashaariic kale ka fulindoonta dalka, waan ku faraxsanahay imaanshihiisa waanna uga mahadcelinayaa, waana soo dhoweynayaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Safiirka shiinaha ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland markiisii labaad, waxaana uu bogaadiyey iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee Puntland iyo dalkiisa,

- Advertisement -

“Waa markii labaad ee aan imaado Puntland oo aan soo dhigo cagahayga dhulkan aadka u quruxda badan, waxaa sahashey tan saaxiib tinimada wanaagsan ee na-dhexmartay, ujeedada socdaalkaygu waxa ay ahayd inaan dardargelino saaxiiib tinimada ka dhexaysa labada shacab ee Soomaaliya iyo shiinaha, inaan wax ka ogaano fursadaha ganacsi ama maalgashi ee ka jira Puntland iyo inaan dhiirigelino iskaashiga maalgashi ee ka dhexeeya labada dhinac”.

“Sanadkan horaantiisii Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Deni wuxuu soo boogday gobolka Zhejiaing, labada dhinac waxay ka wadahadleen qodobo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta saaxiibtinimada qotada dheer ee labada dhinac, waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Deni iyo Dowladda Puntland dedaalka ay ku bixiyeen sidii ay u horumarin lahaayeen xidhiidhka saxiibtinimo ee  Puntland iyo shiinaha”Ayuu yiri Safiirka shiinaha ee Soomaaliya Mr Qin Jian.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories