HomeWararTaabid Cabdi oo ka hadlay Fatahaadda Webiga shabeelle

Taabid Cabdi oo ka hadlay Fatahaadda Webiga shabeelle

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay Fatahaada Webiga shabeelle uu ka sameeynayo Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne. Taabid Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in qoysas badan ay ka Barakaceen Guryihii ay ka deganaayeen Baladweyne, kadib markii uu saameyn weyn ku yeeshay Fatahaada uu sameeynayo Webiga […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay Fatahaada Webiga shabeelle uu ka sameeynayo Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne.

Taabid Cabdi ayaa waxaa uu sheegay in qoysas badan ay ka Barakaceen Guryihii ay ka deganaayeen Baladweyne, kadib markii uu saameyn weyn ku yeeshay Fatahaada uu sameeynayo Webiga Shabeelle.

- Advertisement -

Sidoo kale Taabid Cabdi ayaa waxaa uu tilmaamay in xaalad bani’aadanimo ay ka jirto Baladweyne, isla markaana waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay gurmad deg deg ah u sameeyaan dadka halkaas ku dhibaateysan ee u baahan gurmadka.

17-kii Bishaan October ayuu Fatahaad Wabiga Shabeelle ka bilaabay Magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan taas oo sababtay in Afarta xaafadood oo ka booban tahay magaaladaas Fatahaadu wadagaartay dad badan ayaa guryahooda isaga baxay iyaga oo cabsi kaqaba in xaaladdu ku sii xumaato.

 

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories