HomeMaqalDhageyso: Madaxweyne Deni “Waxaan is hor istaag ku sameeynay Xildhibaano doonayay in...

Dhageyso: Madaxweyne Deni “Waxaan is hor istaag ku sameeynay Xildhibaano doonayay in ay la wareegaan talada Puntland ”

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta si rasmi u furay Kal-fadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, isagoona Khudbad ka jeediyay oo uu uga hadlaayay arrimo kala duwan. Xildhibaan Cawil Daad oo kamid ah Xildhibaanada Puntland ayaa Madaxweyne Deni weediiyay Su’aal la xiriirata dhanka amniga, isagoona si Carro ah ugu Jawaabay, kadibna uu […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta si rasmi u furay Kal-fadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, isagoona Khudbad ka jeediyay oo uu uga hadlaayay arrimo kala duwan.

Xildhibaan Cawil Daad oo kamid ah Xildhibaanada Puntland ayaa Madaxweyne Deni weediiyay Su’aal la xiriirata dhanka amniga, isagoona si Carro ah ugu Jawaabay, kadibna uu isaga baxay Hoolka Baarlamaanka.

- Advertisement -

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay inay is hor istaag ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Puntland oo doonayay inay la wareegaan Maamulka, kuwaasi oo uu  xusay rabeen inay wax ka go’aamiyaan Maamulka Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu  tilmaamay in uusan aheyd shaqsi lagu Cabsiin karo inuu garan waayee shaqada Puntland, sidoo kalena uusan aheyn shaqsi loo sheegi karo danta Puntland.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa si toos u weeraray Xildhibaan Cawil Daad oo weeydiiyay Su’aal adeg, waxaa uu sheegay Deni in Xildhibaan Cawil uu kamid ahaa maamulkii hore,isla markaana ay ku guul dareysteen inay bixiyaan Mushaaraadka shaqaalaha Puntland.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Deni .

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories