HomeWararGolaha Shacabka oo Akhrinta 2-aad marsiiyay Hindise Sharciyeed muhiim ah

Golaha Shacabka oo Akhrinta 2-aad marsiiyay Hindise Sharciyeed muhiim ah

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ,waxa ay xildhibaanada ugu horeyn ansixiyeen xubin magacaabaneyd oo aheyd buuxinta boos ka banaanaa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ,waxaana natiijada codeynta ku dhowaaqay shir guddoonka kulanka Aadan Cabdinaasir Maxamed oo si rasmi ah u […]

- Advertisement -

Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ,waxa ay xildhibaanada ugu horeyn ansixiyeen xubin magacaabaneyd oo aheyd buuxinta boos ka banaanaa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ,waxaana natiijada codeynta ku dhowaaqay shir guddoonka kulanka

Aadan Cabdinaasir Maxamed oo si rasmi ah u buuxiyay xubin ka banaaneyd guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa u mahad celiyay guddoonka iyo xildhibaanada golaha kalsoonida ay siiyeen

- Advertisement -

Dhinaca kale Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 2-aad marsiiyay Hindise sharciyeedka maamulka dakhliga Dalka,waxaana golaha sharcigan iyo marxalidihii kala duwanaa ee uu soo maray u akhriyay guddoomiyaha gudiga maaliyada,qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji oo sidoo kale golaha ka codsaday in ay ansixiyaan.

Ugu dambeyn xildhibaan ayaa cod u qaaday sharcigan ka dib markii dooda xildhibaanda ay u badatay in cod la geliyo ,waxaana natiijada codeynta ku dhowaaqay shir guddoonka kulanka mudane Cabdiwali sheikh Ibraahim Muudey

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda looga baahanyahay in ay cadeyso xuquuqaad uu sheegay in ay ka maqanyihiin xildhibaano

- Advertisement -

Sidoo kale mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ayaa golaha maanta usoo gudbiyay Akhrinta koowaad ee dib ugu noqoshada miisaaniyadda sanadka 2019,waxaana mudanayaasha golaha u faah faahiyay wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in madaxda wasaaradda maaliyadda looga baahanyahay in ay golaha hor yimaadaan si loo weydiiyo su’aalo ay mudanayaasha golaha u qabaan,si wax badan looga ogaado howlaha wasaaradda maaliyadda,waxaana sidoo kale mudanayaasha golaha loo qeybiyay Axdiga Ilaalinta Hanti dhaqameedka xiliyada colaadaha .

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories