HomeCaalamkaCiidamadii Mareykanka ee Syria ee u tallaabay Ciraq iyo sababta keentay

Ciidamadii Mareykanka ee Syria ee u tallaabay Ciraq iyo sababta keentay

Date:

Related stories

Beesha Caalamka Oo Warbixin Ka Heshay Doorashada Soomaaliya

Guddiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Muqdisho kulan xogsiin ah kula yeeshay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka,

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

madaxweynaha Koonfur Sudan Oo Beddelay Guddoomiyihii Baanka Dhexe

Madaxweynaha Koonfur Sudan Salva Kiir oo xilka ka qaaday guddoomiyihii baanka dhexe Johnny Ohisa, isagoo bedel u magacaabay Addis Ababa Othow.

Trump oo dadka weydiiyay wax aan dhicin

Trump oo mar kale sheegay in dabayl la'aan ay sababtay in dadka aysan daawan karin dood siyaasadeed 2024. Khubaradu waxay sheegayaan in aanay jirin caddeyn muujinaysa dhacdadaas.

Maqaayad Xalaal Ah Oo Kala Qaybisay Faransiiska

Dagaal ku saabsan makhaayad digaag xalaal ah oo Paris ka taal ayaa noqday astaan u ah kala qaybsanaanta siyaasadeed ee Faransiiska, iyadoo u dhexeeya duqa Sooshaalistaha iyo xisbiga far-left ee France Unbowed.

Ciidamada Mareykanka ayaa maanta u tallaabay dalka Ciraq, taasi oo qeyb ka ah ka bixitaankooda waqooyiga Syria ee uu amray madaxweyne Donald Trump ee dhabbaha u xaaray weerarkii ciidamada Turkiga ay ku qaadeen. Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ayaa arkay in ka badan 100 gaari oo ka gudbaya waqooyiga bari ee dalka Syria, […]

- Advertisement -

Ciidamada Mareykanka ayaa maanta u tallaabay dalka Ciraq, taasi oo qeyb ka ah ka bixitaankooda waqooyiga Syria ee uu amray madaxweyne Donald Trump ee dhabbaha u xaaray weerarkii ciidamada Turkiga ay ku qaadeen.

Sawir qaade ka tirsan wakaaladda wararka Reuters ayaa arkay in ka badan 100 gaari oo ka gudbaya waqooyiga bari ee dalka Syria, halkaas oo Turkiga ay ogolaadeen inay joojiyaan howl-galkii ay ka wadeen kadib heshiis xabad-joojin ah oo dhex maray Washington iyo Ankara.

- Advertisement -

Xoghayaha gaashaandhigga, Mark Esper ayaa sabtidii sheegay in dhammaan 1,000 askari ee Mareykanka ah ee ka baxaya waqooyiga Syria ay u gudbi doonaan galbeedka Ciraq, halkaasi oo ay kasii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Daacish, “si ay gacan uga gaystaan difaaca Ciraq”.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka digay in Ankara ay dib u billaabi doonto howlgalkeeda militari ee Syria marka xabad joojinta ay dhamaato talaadada, haddii ciidamada Kurdiyiinta ay hoggaamiyaan ee SDF aysan ka wad bixin “aagga amni” ee xuduudda ku teedsan.

Axaddii, ciidamada SDF ayaa sheegay inay ka baxeen magaalada xuduudda ku taalla ee Ras al-Ain, taasi oo qeyb ka ahayd heshiiska xabad joojinta Mareykanka uu ka shaqeeyey, hase yeeshee ciidamada mucaaradka Syria ee uu taageero Turkiga, ayaa sheegay in weli aysan si buuxda uga wada bixin.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories