HomeWararHub iyo Saanad Milateri oo la geeyay Degmo ka tirsan Galmudug

Hub iyo Saanad Milateri oo la geeyay Degmo ka tirsan Galmudug

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Wararka aan ka heleyno Degmo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay dowladda Federaalka Soomaaliya halkaas ay ka dejisay hub iyo saanad Ciidan. Dad  ku sugan Hobyo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka hubka ay keentay Degmada lagu soo daad gureeyay Doomo,isla markaana laga soo dejiyay Dekadda Magaaladaas. Wararka […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Degmo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay dowladda Federaalka Soomaaliya halkaas ay ka dejisay hub iyo saanad Ciidan.

Dad  ku sugan Hobyo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka hubka ay keentay Degmada lagu soo daad gureeyay Doomo,isla markaana laga soo dejiyay Dekadda Magaaladaas.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Hubkan  laga soo qaaday Dekadda weyn ee Muqdisho,isla markaana uu yahay mid aad u farabadan,kuwaasi oo dowladda ugu talagashay Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan deegaanada Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in hubkaas dowladda ay ku dooneyso in lagu howlgeliyo Ciidamada si ay deegaanada Galmudug uga bilaaban howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Si kastaba kal hore Wasiirka amniga Xukuumadda Maxamed Abuukar Islow Ducaale xili uu ku sugnaa Magaalada Dhuusamreeb ayaa waxaa uu sheegay in deegaanka Galmudug ay ka bilaabi doonaan howlgalo xoreyn ah kahor Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories