HomeWararSawirro:-Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?

Sawirro:-Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka?

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa Akhrinta koowaad Marsiiyay heshiis khuseeya ilaalinta hidaha dhaqanka iyo midka dabiiciga iyo Qoraalka heshiiska ilaalinta Hida dhaqameedka aan muuqan,kaas oo uu soo gudbiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre. Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Akhrinta 2-aad ee sharciga Istaraatiijitadda tira koobka Qaranka, Akhrinta 2-aad ee […]

- Advertisement -

Mudanayaasha Golaha shacabka ayaa Akhrinta koowaad Marsiiyay heshiis khuseeya ilaalinta hidaha dhaqanka iyo midka dabiiciga iyo Qoraalka heshiiska ilaalinta Hida dhaqameedka aan muuqan,kaas oo uu soo gudbiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Akhrinta 2-aad ee sharciga Istaraatiijitadda tira koobka Qaranka, Akhrinta 2-aad ee sharciga furdooyinka, Hindise sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed, Hindise sharciyeedka Nootaayada dadweynaha, Akhrinta 2-aad ee sharciga maamulka Dakhliga, Hindise sharciyeedka dib u eegista shaciga Xisbiyada siyaasadda ee dalka, Qoondada ku noqoshada miisaaniyadda 2019-ka, Akhrinta 2-aad ee sharciga Iibka Qaranka, qeybinta maaliyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Warbixinta hanti dhowrka ee 2018-ka  iyo sidoo kale Xisaab xir maaliyadeedka 2018-ka,

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  oo ka hadlay kulnakiii maanta,ayaa ka wabixiyay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin howlaha ugu muhiimsan ee horyaalla kalfadhigan lixaad,shuruucda ay Golaha ansixiyeen ee horyaala Golaha Aqalka Sare.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxyaabaha uu ka hadlay waxaa ka mid ah arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka, dejinta jadwalka dhameystirka Dastuurka, waxa uuna ugu dambeyn uu Xildhibaannada Golaha kula dardaarmay in ay soo xaadiraan kulamada Golaha si uu goluhu u guto waajibaadka horyaala inta mudda xileedkiisa kaga harsan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories