HomeWararGuddoomiye Mursal oo Amar dul-dhigay Xildhibaanada ka tirsan Golaha Wasiirada

Guddoomiye Mursal oo Amar dul-dhigay Xildhibaanada ka tirsan Golaha Wasiirada

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta Xildhibaanada ku jira Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ku amray inay soo xaadiraan fadhiyada Golaha Shacabka. Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Wasiirada ah fasax loo ogolyahay oo kaliya markii ay ku maqan yihiin Shaqo muhiim ah,bals hadii shaqo aysan  jirin looga baahan yahay inay […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta Xildhibaanada ku jira Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ku amray inay soo xaadiraan fadhiyada Golaha Shacabka.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Wasiirada ah fasax loo ogolyahay oo kaliya markii ay ku maqan yihiin Shaqo muhiim ah,bals hadii shaqo aysan  jirin looga baahan yahay inay soo xaadiraan kulamada.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in aan la aqbali doono Xildhibaanada inta badan kamaqan Kulamada uu yeelanayo Golaha,isagoona faray in dhammaan Xildhibaanada laga soo qeyb galaan fadhiyada Baarlamaanka si loo dardargeliyo shaqooyinka horyaalla.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in tirrada Wasiirada ka tirsan Xildhibaanada ay aad u badan yihiin,isla markaana laga doonayo in markasto ay goobjoog ka ahaan kulamada.

Hadalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan ayaa waxaa yimid kadib markii Maanta uu furmay kulankii 1-aad ee kal-fadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka,kaasi oo dhawaan sirasmi ah u daah-furay Madaxweyne Farmaajo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories