HomeWararIlaalada Hotel oo dilay Taliyihii Ururka Gorgor ee CXD iyo qaar...

Ilaalada Hotel [Maa’ida Ex Naasa-hablood 2] oo dilay Taliyihii Ururka Gorgor ee CXD iyo qaar kamid ah ilaaladiisa

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Taliyihii Ururka Gorgor ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo galabta lagu dilay Magaalada Muqdisho. Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Albaabka hore ee Hotel Maa’ida Ex naasa-habdool laba ee Degmada Xamarwayne,waxaana Taliyaha lala dilay qaar kamid ah Ciidamo ilaalo u ahaa oo la socday. Dad goobjoogayaal ah oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Taliyihii Ururka Gorgor ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo galabta lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Albaabka hore ee Hotel Maa’ida Ex naasa-habdool laba ee Degmada Xamarwayne,waxaana Taliyaha lala dilay qaar kamid ah Ciidamo ilaalo u ahaa oo la socday.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa waxaa u sheegeen in dilkan uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Ilaalada Hotel Maa’ida ay rasaas xoogan ku fureen gaari ay la socdeen Taliye Maxamed Abuukar Saleebaan oo loo yaqaanay (Maxaadeey) iyo Ilaaladiisa xili ay marayeen halkaas.

Intaas kadib ayaa waxaa la xaqiijiyay in Taliyihii Ururka Gorgor ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku geeridooday isaga iyo 2 kamid ah Ciidamo ilaalo u ahaa rasaastii ay ku fureen Ilaalada Hotelka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soonaaliya oo xiliga uu falka ka dhacaayay ku sugnaa meel aan sidaa u fogeyn aaga ayaa tegay,iyagoona halkaas ka soo qaaday Meydadka.

- Advertisement -

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ka ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan dilka Taliyihii Ururka Gorgor ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ilaaladiisa oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts