HomeCaalamkaMadaxweyne Erdogan oo ku gacan seeray baaqyada Caalamka

Madaxweyne Erdogan oo ku gacan seeray baaqyada Caalamka

Date:

Related stories

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Turkey ayaa ku gacan seertay cadaadiska caalamiga ah ee looga dalbanayo inay joojiso hawl-galka militari ee ka dhanka ah Kurdiyiinta ee ciidamadeeda ay ka wadaan Waqooyiga Syria. Dagaal xooggan ayaa maanta ka socda magaalada xuduudda Syria ku taalla ee Ras a-Ain, ayada oo ciidamada Kurdiyiinta ay isku dayayaan inay sii haystaan magaalada, iskana caabiyaan ciidamada […]

- Advertisement -

Turkey ayaa ku gacan seertay cadaadiska caalamiga ah ee looga dalbanayo inay joojiso hawl-galka militari ee ka dhanka ah Kurdiyiinta ee ciidamadeeda ay ka wadaan Waqooyiga Syria.

Dagaal xooggan ayaa maanta ka socda magaalada xuduudda Syria ku taalla ee Ras a-Ain, ayada oo ciidamada Kurdiyiinta ay isku dayayaan inay sii haystaan magaalada, iskana caabiyaan ciidamada kale ee Syria ee Turkiga uu taageero.

- Advertisement -

Weriye ka tirsan AFP ayaa sheegay in dagaalka magaalada uu weli socdo, inkasta oo Ankara ay dhowr mar sheegtay inay gacanta ku dhigtay magaalada.

Tan iyo markii dagaalka uu billowda 9-kii October, ciidamada Turkiga uu taageerayo ayaa qabsaday in ka badan 100 km oo dhulka xuduudda ah, hase yeeshee Ras al-Ain iyo Siri Kani ayaan weli gacanta usoo gelin.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa weriyayaasha u sheegay “waxay na lee yihiin ‘xabad-joojin ku dhowaaqa’. Weligeen xabad-joojin ku dhowaaqi mayno.”

- Advertisement -

“Insha Allah, waxaan dhowaan gacanta ku dhigi doonnaa dhul ku teedsan Manbij illaa xuduudeenna Ciraq,” ayuu yir Erdogan.

Hawl-galkan ayaa taageero ballaaran ka haysta gudaha Turkiga, halkaasi oo dagaal jabhadeyn ah oo sanado badan ay wadeen Kurdiyiinta dalkaas ay ku dhinteen kumanaan qof.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories