HomeWararAxmed Madoobe oo Markale ku celiyay inay diyaar u yihiin wadahadalka DFS

Axmed Madoobe oo Markale ku celiyay inay diyaar u yihiin wadahadalka DFS

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay khubad ka jeediyay kulan sagootin iyo mahadcelin ah uu u sameeyay Masuuliyiintii ka qaybgashay Munaasabada Caleemo saarkiisa. Axmed Madoobe ayaa Khudbadiisa uga hadlay arrimo kala duwan oo qeyb ka tahay Xaalada siyaasadeed ee dalka haatan uu maro iyo arrimo wadahalka dowladda. Madaxweynaha Jubbaland ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xalay khubad ka jeediyay kulan sagootin iyo mahadcelin ah uu u sameeyay Masuuliyiintii ka qaybgashay Munaasabada Caleemo saarkiisa.

Axmed Madoobe ayaa Khudbadiisa uga hadlay arrimo kala duwan oo qeyb ka tahay Xaalada siyaasadeed ee dalka haatan uu maro iyo arrimo wadahalka dowladda.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland ayaa markale ku celiyay inuu diyaar u yahay wadahadal iyo dib u heshiisiin dhexmarta dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo Khilaaf xoogan uu ka dhexeeyo labada dhinac.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin cid walba oo Maamulka Jubbaland wax ka tabaneysa  inay kul kala baxaan miiska wada hadalka iyo sharciga dalka u yaalla.

“Wada hadal iyo dib u heshiisiin diyaar baan u nahay cid walba oo wax naga tabanaysa miiska wada hadalkaan ku kala baxaynaa iyo sharciga”.ayuu yiri Axmed Madoobe.

- Advertisement -

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ee haatan talada dalka heysa  aan looga baahneyn inay ku fikiran muddo kordhis,isla markaana looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan Hormarinta dalka..

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan ayaa yirin ” Madaxda dowladda dhexe maaha inay ku fekeraan mudo kordhis waa inay ka shaqeeyaan Hormarinta dalka”.

Si kastaba dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ka dhexeeya Khilaaf Xoogan,iyadoona dowladda Doorashii uu ku baxay Axmed Madoobe ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo baalmarsan Dastuurka dalka.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts