HomeWararSawirro:-Wasiirka A/Dibadda Somalia oo kulan la qaatay Wafdi ka socda hay'adda IOM

Sawirro:-Wasiirka A/Dibadda Somalia oo kulan la qaatay Wafdi ka socda hay’adda IOM

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Agaasime goboleedka Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) xafiis goboleedkeeda Bariga iyo Geeska Afrika, Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto u fidinta taageerrada laga-maarmaanka ah ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Agaasime goboleedka Hey’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) xafiis goboleedkeeda Bariga iyo Geeska Afrika, Mudane Mohammed Abdiker, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ahmiyad wadaag leh, oo ay ku jirto u fidinta taageerrada laga-maarmaanka ah ee muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan dhowr dal oo Afrika, Aasiya iyo Yurub , iyaga oo ku jira xerooyin ay kala kulmayaan xaalad daran oo nololeed.

Waxaa kulanka sidoo kale lagu faaqiday taageeridda qorshaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee ku aaddan Qurba-joogta Soomaaliyeed si loo abaabulo kulamo, madal-doodeedyo iyo seminaarro lagu xoojinayo baraarugga iyo dareenka caafimaadsan ee qurba-joogta iyo muwaadiniinta dal-joogga ah si xad loogu yeelo tahriibka iyo halisaha ka imaan-kara isku miidaamintiisa, sidoo kale waxaa la isla eeggay barnaamijyada kobcinta awoodda ee lagu tayaynayo howlwadeennada.

- Advertisement -

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories