HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo ka hadlay 2-sanno kadib Qaraxii 14-ka Oktoobar

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay 2-sanno kadib Qaraxii 14-ka Oktoobar

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxii 14-ka Oktoobar Maanta oo kale ka dhacay Isgoyka Zoobe ee Magaalada Muqdisho,kaasi geystay dhimashada boqolaal shacab ah iyo dhaawaca boqolaal kale. Hoos ka Akhriso Qoraalka Madaxweyne Farmaajo uga hadlay Musiibadii Qaraxii 14-ka Oktoobar. 14-ka Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu ka hadlay Qaraxii 14-ka Oktoobar Maanta oo kale ka dhacay Isgoyka Zoobe ee Magaalada Muqdisho,kaasi geystay dhimashada boqolaal shacab ah iyo dhaawaca boqolaal kale.

Hoos ka Akhriso Qoraalka Madaxweyne Farmaajo uga hadlay Musiibadii Qaraxii 14-ka Oktoobar.

- Advertisement -

14-ka Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed. Waa maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna.

Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah.

Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu.

- Advertisement -

Tan iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo weerarada ka dhan ah Al-shabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo  lahaayeen Al-shabaab, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay gacanta ku haayeem.

Ugu dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories