HomeWararMadaxtooyadda Somalia oo War kasoo saartay Sawirro Maanta lagu soo bandhigay Isgoyska...

Madaxtooyadda Somalia oo War kasoo saartay Sawirro Maanta lagu soo bandhigay Isgoyska Zoobe

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Iyadoo Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu xusayo qaraxii ka dhacay Isgoyska 14-ka October Ex Zoobe ayaa waxaa goobta ay ka dhacday Munaasabadda lagu arkay labo gaari oo ku xardhan yihiin sawirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Gaadiidka la arkay ee ku xardhanaa Sawirrada Madaxweyne Farmaajo iyo RW Xasan Cali Kheyrea ayaa ahaa kuwo […]

- Advertisement -

Iyadoo Maanta Magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu xusayo qaraxii ka dhacay Isgoyska 14-ka October Ex Zoobe ayaa
waxaa goobta ay ka dhacday Munaasabadda
lagu arkay labo gaari oo ku xardhan yihiin sawirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Gaadiidka la arkay ee ku xardhanaa Sawirrada Madaxweyne Farmaajo iyo RW Xasan Cali Kheyrea ayaa ahaa kuwo laga qaaday iyagoo dhiig bixinaya labo sano ka hor Maanta oo kale,kuwaasi oo baraha Bulshada aad loo hadal haayay.

- Advertisement -

Hayeeshee Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay Sawirada lagu arkay goobtii Maanta lagu qabtay Munaasabada qaraxii 14-ka October Ex Zoobe ee Muqdisho.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo War qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu sheegay in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo ay tahay dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn.

“Madaxda iyo dadka kale ee ammaanada bulshada loo wakiishay waxa ay khaldaan waa la sixi karaa, waxa ay hagaajiyeenna waa la tilmaami karaa balse in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo waa dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn. Waxaa lamid ah qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka iyaga oo isu haysta in ay wax hagaajiyeen. Dhaqamadaas liita waa in la baabi’iyaa”ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories