HomeCaalamkaImran Khan oo dhexdhexaadinaya Iran iyo Sacuudiga

Imran Khan oo dhexdhexaadinaya Iran iyo Sacuudiga

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa booqanaya dalka dariska la ah ee iran. Rai’sul wasaare Khan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dhexdhaxadiye ka noqdo wadahadalo dhexmara Iran iyo Sacuudiga. Xilli ay shir jaraa’id ay si wadajir ah u qabteen magaaalada Tehraan madaxwayne Ruuxaani ayaa waxa uu sheegay in Pakistan aysan doonayn […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa booqanaya dalka dariska la ah ee iran.

Rai’sul wasaare Khan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dhexdhaxadiye ka noqdo wadahadalo dhexmara Iran iyo Sacuudiga.

- Advertisement -

Xilli ay shir jaraa’id ay si wadajir ah u qabteen magaaalada Tehraan madaxwayne Ruuxaani ayaa waxa uu sheegay in Pakistan aysan doonayn in ay aragto dagaal dhexmara Iran iyo Sacuudiga.

Mr Khan ayaa isku dayaya in uu dajiyo xiisada gobolka gacanka oo muddooyiinkii ugu dambeeyay cirka isku sii shareereysay.

Saraakiisha dalka Pakistani ayaa waxay sheegeen in uu la kulmi doono hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, iyo madaxwayne, Xassan Rouhani.

- Advertisement -

Mr Khan ayaa sheegay bishii aanu soo dhaafnay in Mareykanka uu ka codsaday in uu dhexdhexaadiye ka noqdo khilaafka Sacuudiga iyo Iran.

Waxaa sidoo kale Mr Khan lagu wadaa in uu booqdo toddobaadka soo socda dalka Sacuudiga.

Wariyayaasha ayaa sheegaya in Pakistan ay xiriir qota dheer la leedahay labada dal ba.

Dalka Sacuudiga ayaa waxaa ku nool labo milyan iyo bar u dhashay dalka Pakistan.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha Pakistan ee Iran ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Iran wali baritaan ku hayso Markab ay leedahay oo weerar lagu qaaday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories