HomeCaalamkaMareykanka oo Ciidamo dheeraad ah u diraya Sacuudiga iyo sababta oo la...

Mareykanka oo Ciidamo dheeraad ah u diraya Sacuudiga iyo sababta oo la shaaciyey

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Pentagon ayaa shaaca ka qaadday kumannaan ciidamo dheeraad ah inuu u dirayo Sacuudi carabiya si ay boqortooyada Sacuudiga ay gacan uga siiyaan weerarrada uga yimaadda Iiraan. Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper wuxuu sheegay inuu qalinka ku duugay amarka in ciidama dheeraad ah laga howl geliyo Sacuudi Carabiya ciidamadaasi oo ku hubeysnaan doono diyaaradaha dagaalka iyo […]

- Advertisement -

Pentagon ayaa shaaca ka qaadday kumannaan ciidamo dheeraad ah inuu u dirayo Sacuudi carabiya si ay boqortooyada Sacuudiga ay gacan uga siiyaan weerarrada uga yimaadda Iiraan.

Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper wuxuu sheegay inuu qalinka ku duugay amarka in ciidama dheeraad ah laga howl geliyo Sacuudi Carabiya ciidamadaasi oo ku hubeysnaan doono diyaaradaha dagaalka iyo habka difaaca.

- Advertisement -

Wuxuu intaa ku daray ciidamada ay Washington u direyso sacuudiga in jawaab looga bixinayo ‘khatarta gobolka soo food saartay’, isla-markaana boqortooyada Sacuudi Carabiya looga ilaaliyo ‘weerarrada gardarrada ay iiraan ku soo qaaddo’.

Tallaabadan Mareykanka uu Sacuudi Carabiya ciidamo dheeraad ah uga howl gelinaya ayaa imaneysa kaddib marki bishi hore ee September weerarro lagu qaaday goobo Sacuudiga ku yaalla oo saliidda ugu badan laga soo saaro.

“Ciidamada dheeraadka uu Mareykanka u dirayo gacan siinta boqortooyada Sacuudi Carabiya oo 3,000 ah oggolaashaha in ciidamadaasi la dirana la bixiyey bishi hore” ayuu yiri afhayeenka Pentagon Jonathan Hoffman.

- Advertisement -

Mareykanka ayaa tan iyo bishi May ee sanadkan kordhisay ciidamada ka joogo gobolka iyada gaarsiisay 14,000, sida uu sheegay telefishiinka CNN.

Dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxammed bin Salmaan ayaa naga dalbaday taageerada dheeriga ah ayuu yiri Mr Esper.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories