HomeCaalamkaFaah faahin:-Dagaal Culus oo ka socda xudduuda Turkiga iyo Suuriya

Faah faahin:-Dagaal Culus oo ka socda xudduuda Turkiga iyo Suuriya

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Dagaal culus ayaa ka socda magaalada ku taalla xuduuda Suuriya iyo Turkiga ee Ras al-Ain xilli ciidamada Turkiga ay howlgalo militari ka wadaan waqooyi bari Suuriya. Militariga Turkiga ayaa waxay sheegeen in ay la wareegeen magaaladaasi,balse xoogaga Kurdiyiinta ayaa arrintaasi beeniyay. Xukuumadda Turkiga ayaa waxaa sidoo kale ay beenisay in ciidamadeeda ay bartilmameedsadeen ciidamada Mareykanka […]

- Advertisement -

Dagaal culus ayaa ka socda magaalada ku taalla xuduuda Suuriya iyo Turkiga ee Ras al-Ain xilli ciidamada Turkiga ay howlgalo militari ka wadaan waqooyi bari Suuriya.

Militariga Turkiga ayaa waxay sheegeen in ay la wareegeen magaaladaasi,balse xoogaga Kurdiyiinta ayaa arrintaasi beeniyay.

- Advertisement -

Xukuumadda Turkiga ayaa waxaa sidoo kale ay beenisay in ciidamadeeda ay bartilmameedsadeen ciidamada Mareykanka ka dib markii wasaarada gaashaanhiga Mareykanka ay sheegtay in ciidamadooda la soo weeraray.

Ugu yaraan 30 qof oo rayid ah ayaa la sheegayaa in la dilay islamarkana in ka badan 200,000 oo qof ay qaxeen afartii maalmood ee uu dagaaka socday.

Go’aankii madaxwayne Donald Trump ee uu ciidamadiisa kaga soo saaray Suuriya ayaa waxa uu horseeday in Turkiga ay qaadaan tallaabo militari.

- Advertisement -

Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.

Dowrka muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya.

Xukuumadda Turkiga ayaa u arkta kooxda YPG in ay yihiin koox argagixiso ah.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories