HomeCaalamkaCiidamada Turkiga oo dhawaan howlgal Qorsheysan ka bilaabaya dalka Syria

Ciidamada Turkiga oo dhawaan howlgal Qorsheysan ka bilaabaya dalka Syria

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Saraakiisha militariga Turkiga ayaa sheegay in ciidamadooda ay diyaar u yihiin inay billaabaan howl-galka muddada la qorsheenayey ee ka dhanka ah ciidamada Kurdish-ka ee gudaha dalka Syria. Ciidamadan, oo Ankara ay ku sheegtay inay yihiin argagixiso, ayaa Reer Galbeedka u arkaan saaxiibo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Daacish. “Ciidamadeena […]

- Advertisement -

Saraakiisha militariga Turkiga ayaa sheegay in ciidamadooda ay diyaar u yihiin inay billaabaan howl-galka muddada la qorsheenayey ee ka dhanka ah ciidamada Kurdish-ka ee gudaha dalka Syria.

Ciidamadan, oo Ankara ay ku sheegtay inay yihiin argagixiso, ayaa Reer Galbeedka u arkaan saaxiibo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Daacish.

- Advertisement -

“Ciidamadeena guuleystayaasha ah waxay diyaar u yihiin Howlgalka Aaga Amniga” waxaa sidaas barta twitter-ka soo dhigay ciidamada Turkiga, oo ballan-qaaday dagaal ka dhan ah wax ay ugu yeereen argagixisada Kurdish-ka iyo kuwa Daacish.

Dhinaca kale, agaasimaha warfaafinta xafiiska madaxweyne Erdogan Fahrettin Altun ayaa faallo uu ku qoray wargeyska Washington Post ku sheegay in ciidamada Turkiga oo ay wehliyaan Ciidamada Xoreynta Syria “ay dhowaan ka gudbi doonaan xuduudda Syria.”

Altun ayaa ugu baaqay bulshada caalamka “inay taageeraan dadaallada dib u dhiska iyo xasileynta Turkiga,” waxaana uu sheegay in damaca Turkiga ee Syria uu yahay kaliya “in meesha laga saaro halis muddo fog ay wajahayeen muwaadiniinta Turkiga.”

- Advertisement -

Dhinaca kale, ciidamada Dimoqraadiga Syria (SDF) ee uu Mareykanka taageero ayaa ugu baaqay caalamka inay u dhaqaaqaan sidii looga fogaan lahaa musiibo bani’aadamnimo oo ka dhacda waqooyiga Syria.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories