HomeCaalamkaNin loo soo xiray xatooyo oo laba Askari xabsiga ku dilay

Nin loo soo xiray xatooyo oo laba Askari xabsiga ku dilay

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Nin xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga ugu jiray tuhun la xiriira inuu mooto xaday ayaa toogasho ku dilay labo askari, xilli uu damacsanaa inuu baxsado. Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta ayaa laga arkayaa ninkan oo isagoo hubeysan isku dayaya inuu ka baxsado saldhig ay boolisku leeyihiin oo ku yaalla magaalada Trieste. Ninkan 29 jirka ah ayaa […]

- Advertisement -

Nin xabsi ku yaalla dalka Talyaaniga ugu jiray tuhun la xiriira inuu mooto xaday ayaa toogasho ku dilay labo askari, xilli uu damacsanaa inuu baxsado.

Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta ayaa laga arkayaa ninkan oo isagoo hubeysan isku dayaya inuu ka baxsado saldhig ay boolisku leeyihiin oo ku yaalla magaalada Trieste.

- Advertisement -

Ninkan 29 jirka ah ayaa loo soo xiray eedeyn ku saabsan inuu mooto xaday.

Askarta oo su’aalo weydiinaya ayuu codsaday inuu musqul aado, ka dibna wuxuu qori ka xoogay askarigii loo raaciyay inuu dusha kala socdo inta uu suuliga isticmaalayo.

Waxaa lagu soo warramay inuu labada askari toogtay isagoo u dhow.

- Advertisement -

Waxaa goor dambe la arkayay isagoo dhismaha markuu kasii baxayay ridaya rasaas kale oo dheeraad ah.

Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Alejandro Augusto Meran ayaa goor dambe dib gacanta loogu soo dhigay.

Labada askari ee uu dilay ayaa kala ahaa Pierluigi Rota iyo Matteo Demenego.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories