HomeWararSawirro:-Kheyre oo daah-furay Nidaam Cusub oo lagu xoojinayo Maaliyada dalka

Sawirro:-Kheyre oo daah-furay Nidaam Cusub oo lagu xoojinayo Maaliyada dalka

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay isku xirka nidaamka maaliyadda ee Wasaaradda maaliyadda (SFMIS) iyo nidaamka casriga ah ee maamulka lacagaha Bangiga dhexe ee dalka, (Core Banking system) oo ka qayb qaadanaya daah-furnaanta, la dagaallanka musuqa iyo fududeynta wada-shaqeynta bahda maaliyadda dalka. Mudane Xasan Cali Khayre oo wasaaradda […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay isku xirka nidaamka maaliyadda ee Wasaaradda maaliyadda (SFMIS) iyo nidaamka casriga ah ee maamulka lacagaha Bangiga dhexe ee dalka, (Core Banking system) oo ka qayb qaadanaya daah-furnaanta, la dagaallanka musuqa iyo fududeynta wada-shaqeynta bahda maaliyadda dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre oo wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe ugu hambalyeeyay nimaadkaan cusub oo qayb ka ah tallaabooyinka dhiirri gelinaya dadka Soomaaliyeed oo dhan ee qaybta ka qaadanaya horumarka, ayaa sheegay in wax wanaagsan ay tahay in la soo dhaweeyo wax walba oo xoojinaya ammaanda iyo qaranimada

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka maaliyadda iyo guddoomiyaha bangiga dhexe in laga sii shaqeeyo sidii nidaamka loogu faafin lahaa dhammaan hey’adaha dowladeed ee dalka, maadaama horumarku uu ku xiranyahay sida loo wada shaqeeyo.

Horumarinta hanananka maaliyadeed ee dalka ayaa qayb ka ah himilooyinka tubta horumarinta dhaqaalaha dalka oo kamid ah afarta tub qaran ee lagu saleeyay shaqooyinka dowladda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories