HomeWararWararkii ugu dambeeyay Xaaladda deeganadii ay ku dagaalameen Alshabaab iyo kooxda Macawiisley

Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda deeganadii ay ku dagaalameen Alshabaab iyo kooxda Macawiisley

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal Deegaano ka tirsan gobolada Bakoo iyo Hiiraan ku dhex maray Kooxda Macaawiisley iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab. Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaa ka dhashay khasaare iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay. Ugu yaraan 5-ka mid […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal Deegaano ka tirsan gobolada Bakoo iyo Hiiraan ku dhex maray Kooxda Macaawiisley iyo dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaa ka dhashay khasaare iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

- Advertisement -

Ugu yaraan 5-ka mid ah askartii u dagaalamaysay Alshabaab iyo Kooxda Macaawiisley ayaa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dagaalkaas,iyada oo markii dambe Macaawiislaydu ay la waregeen deegaanada dagaaladu ay ka dhaceen oo ka tirsan deegaanka Qurac Joomo.

Horjoogayaal u hadlay Macaawiislayda aya dalsan u sheegay in ay khasaaro gaarsiiyeen Shabaab sidoo kalana ay ka qabsadeen Hub uusan sheegin cadadiisa markii dambana ay la wareegeen deegaank in kasta oo ay goor dambe iskaga baxeen.

Xaaladda deegaanadaas ka tirsan gobolada Bakool iyo Hiiraan ayaa degan mana jiraan wax xiisad ah oo ah oo taagan iyada oo ay Alshabaab ay dib ugu soo laabteen goobihii laga qabsaday.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories