HomeWararSagootin loo sameeyay masuuliyiintii ka qeyb gashay shirkii Iskaashiga Somalia

Sagootin loo sameeyay masuuliyiintii ka qeyb gashay shirkii Iskaashiga Somalia

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa xalay Casha Sharaf iyo sagootin u sameysay qaar ka mid ah wufuuddii ka qeyb gashay shirka madasha iskaashiga ee Shalay lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho. Qaar ka mid Safiirrada Dowladaha saaxiibbada dhow la ah Soomaaliya sida Turkiga, Masar, Suudaan, Yugaandha, Kenya, Midogya Yurub, Wakiilka howl-galka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madiera, […]

- Advertisement -

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa xalay Casha Sharaf iyo sagootin u sameysay qaar ka mid ah wufuuddii ka qeyb gashay shirka madasha iskaashiga ee Shalay lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho.

Qaar ka mid Safiirrada Dowladaha saaxiibbada dhow la ah Soomaaliya sida Turkiga, Masar, Suudaan, Yugaandha, Kenya, Midogya Yurub, Wakiilka howl-galka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madiera, Ergayga gaarka ah ee xoghayaha QM ee Soomaaliya,  James Swan ayaa ka mid ahaa xubnihii la qeyb galay Casha sharafta.

- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed, ayaa sheegay in xafladda uu ujeedkeedu yahay in ay Beesha caalamku aragto in Soomaaliya ay tahay meel laysku halleyn karo oo lagu qaban karo shirar Caalami ah, shacabka Soomaaliyeedna ay yihiin Dad ku fiican soo dhoweynta iyo marti gelinta.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirku in haatan ay Soomaaliya ku sugan yihiin Safiirro fara badan oo ay sii kordhayaan Dalalka doonaya in ay Soomaaliya xiriir dhow la yeeshaan, maadaama aynu kasoo kabanayno bur-burkii lasoo maray.

Shalay ayaa lasoo geba-gabeeyay shirkii madasha iskaashiga Soomaaliya iyo waddamada saaxiibbada la ah oo Labadii Cisho ee lasoo dhaafay ka soconayay Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Shirkaasi oo ay ka qeyb galeen in ka badan 50 xubnood oo ka kala socota Dowladaha Saaxiibbada dhow la ah Soomaaliya iyo wakiillo Caalami ah ayaa ahaa kulankii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Dalka.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories