HomeWararShirka Iskaashiga Soomaaliya oo maalintii labaad galay iyo Wadooyinka oo xiran

Shirka Iskaashiga Soomaaliya oo maalintii labaad galay iyo Wadooyinka oo xiran

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo. Madasha ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiillo ka kala socda in ka badan 50 dal,Safiirro iyo Shirkado ganacsi oo caalami ah,waxaana si rasmi ah u daah-furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar. […]

- Advertisement -

Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo.

Madasha ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiillo ka kala socda in ka badan 50 dal,Safiirro iyo Shirkado ganacsi oo caalami ah,waxaana si rasmi ah u daah-furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

- Advertisement -

Qodobada ugu muhiimsan ee Shirka looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah Arrimaha Cadaalada,Amniga,Bulshada,Siyaasadd iyo kuwo kale oo muhiim  u ah dalka.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa Manata ku biiraya qaar kamid Madaxda maamul Goboleedyada dalka sida Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa inuu soo gaba-gabeeyo Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Shirka Madasha Iskaashiga,waa markii ugu horeysay ee lagu qabto magaalada Muqdisho,ka dib markii dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku guuleysatay dhameystirka adeegyada lagama maarmaanka u ah qabsomidda shirkaasi.

Dhinaca kale waxaa Maalintii labaad xiran Waddooyinka ugu muhiimsan eek u yaalla Magaalada Muqdisho,waxaana ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahaya u diiday inay isticmaanlaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories