HomeWararSawirro:-Kheyre oo Guddoomiyay kulan looga hadlay Maal-Gelinta Horumarinta Khayraadka Biyaha

Sawirro:-Kheyre oo Guddoomiyay kulan looga hadlay Maal-Gelinta Horumarinta Khayraadka Biyaha

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan qayb ka ah Shirka madasha iskaashiga Soomaliya, oo looga hadlay Maal gelinta horumarinta khayraadka biyaha dalka, ayaa sheegay in maal gelinta horumarinta biyuhu ay ka dhigantahay kobcinta dhaqaalaha, sare u qaadidda amniga iyo xasiloonida dalka iyo dhismaha kalsoonida hey’adaha dowladeed. Wakiilka xoghayaha […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan qayb ka ah Shirka madasha iskaashiga Soomaliya, oo looga hadlay Maal gelinta horumarinta khayraadka biyaha dalka, ayaa sheegay in maal gelinta horumarinta biyuhu ay ka dhigantahay kobcinta dhaqaalaha, sare u qaadidda amniga iyo xasiloonida dalka iyo dhismaha kalsoonida hey’adaha dowladeed.

Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, James Swan, maamule gobaleedka Bangiga horumarinta Afrika ee arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha, madaxa Bariga Afrika ee wasaaradda iskaashiga dhaqaaha dowladda Jarmalka iyo agaasimaha Bangiga adduunka ee Soomaaliya, Rwanda, Uganda iyo Kenya, ayaa kulanka ka sheegay in maal gelinta khayraadka biyaha dalka ay muhiim u tahay horumarka bulshada.

- Advertisement -

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in 24% dadka Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 15.44 milyan, ay heli karaan biyaha ay u baahanyihiin Sababo la xariira in aysan jirin awood iyo hannaan biyaha lagu soo saaro oo fududeyn karta in bulshadu ay hehso biyaha ay u baahantahay.

Ra’iisul wasaaaraha oo u mahad celiyay deeq bixiyayaasha, ayaa sheegay in loo baahanyahay in lasii joogteeyo taageerada, si loo gaaro hadafyada la hiigsanayo oo ah in shanta sano ee soo socota ay dadka Soomaaliyeed helaan biyo ku filan iyo in la maamulo khayraadka biyaha arrintaas oo qayb ka qaadaneysa horumarinta dhaqaalaha, yareynta qalaqaalaha ka dhasha biya la’aanta iyo saameynta abaaraha.

Kualnka waxaa goob joog ka ahaa, ergooyinka ka qayb gelay shirka Caalamiga ah ee madasha ishaashiga Soomaaliya ee Muqdisho ka furmay, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

- Advertisement -

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories