HomeWararTalyaaniga oo ka hadlay Qaraxii Muqdisho lagula eegtay Ciidamadiisa

Talyaaniga oo ka hadlay Qaraxii Muqdisho lagula eegtay Ciidamadiisa

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Barqanimadii Maanta ayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamo Talyaani ah waxaa Qarax lagula eegtay inta u dhexeeysa Kulyada Jeelle Siyaad iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya gaar ahaan Suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla halkaas. Dowladda Talyaaniga gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaas ayaa War kasoo saartay Qaraxii Maanta Ciidankooda lagula eegtay Magaalada Muqdisho ee  Caasimadda dalka […]

- Advertisement -

Barqanimadii Maanta ayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamo Talyaani ah waxaa Qarax lagula eegtay inta u dhexeeysa Kulyada Jeelle Siyaad iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya gaar ahaan Suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla halkaas.

Dowladda Talyaaniga gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaas ayaa War kasoo saartay Qaraxii Maanta Ciidankooda lagula eegtay Magaalada Muqdisho ee  Caasimadda dalka Soomaaliya.

- Advertisement -

War qoraal oo lagu daabacay Barta Twitter-ka Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga ayaa waxaa lagu sheegay qarax Ismiidaamin ah lala eegtay laba gaari oo ay la socdeen Ciidamo ka soo laabtay tababar ay siiyeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa Xarunta Wasaaradda Gaadhaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaniga ayaa sheegay in qaraxa waxa Khasaaro ah uusan ka soo gaarin Ciidandooda .

Dhinaca kale Qaraxaa ayaa waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux oo shacab ahaa,isla markaana xiliga uu dhaacayay halkaas ka Agdhawaan sida uu Dalsan u sheegay qof ka badbaaday qaraxaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories