HomeWararCarruur ku geeriyootay walxa qarxa oo ay ku ciyaarayeen Degmada Cadale

Carruur ku geeriyootay walxa qarxa oo ay ku ciyaarayeen Degmada Cadale

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in tuulo hoostagta degmdaas uu ka dhacay Qarax sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Qaraxaas ayaa waxaa uu ka dhashay Qori nuuca loo yaqaano Baasuke oo yaallay goob hawd ah oo ku taalla tuulada Ceel-muluq oo hoostagta […]

- Advertisement -

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in tuulo hoostagta degmdaas uu ka dhacay Qarax sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaas ayaa waxaa uu ka dhashay Qori nuuca loo yaqaano Baasuke oo yaallay goob hawd ah oo ku taalla tuulada Ceel-muluq oo hoostagta Degmada Cadale, xili ay Caruur yar ku ciyaareysay.

- Advertisement -

Qof kamid ah dadka deeganka oo a hadlay Idaacada Dalsan ayaa u sheegay  in Caruurta ay dab ku qabteen Qoriga Baasukaha ahaa,hayeeshee markii dambe uu qarxay,waxaana halkaas ku geeriyootay saddex Caruur ah,halka 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Caruurta dhaawacantay ayaa waxaa loo soo qaaday dhanka Magaalada Muqdisho,halka qaarkood lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Caruur badan ayaa horay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay walxo qarxa oo ay ku ciyaarayeen deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories