HomeWararTaliyihii Guud ee Ilaaladda Boqortooyada Sacuudiga oo la dilay

Taliyihii Guud ee Ilaaladda Boqortooyada Sacuudiga oo la dilay

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa waxaa ay baahisay in Taliyihii ugu sarreeyay Ilaalada Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sacuud xalay lagu dilay Magaalada Barakaysan ee Maka Al-Mukarama. Taliyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray General Abdul Aziz al-Faghm ayaa waxaa toogtay Nin ay saaxibo ahaayeen,kadib markii uu muran soo kala dhexgalay. Wararka ayaa intaasi waxaa ay […]

- Advertisement -

Warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa waxaa ay baahisay in Taliyihii ugu sarreeyay Ilaalada Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sacuud xalay lagu dilay Magaalada Barakaysan ee Maka Al-Mukarama.

Taliyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray General Abdul Aziz al-Faghm ayaa waxaa toogtay Nin ay saaxibo ahaayeen,kadib markii uu muran soo kala dhexgalay.

- Advertisement -

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in toogashada ay ka dhacday mel ku dhow Masjidka weyn ee Magaalada Barakaysan ee Maka Al-Mukarama,isla markaana waxaa isna la toogtay gacan ku dhiiglihii dilka geystay oo doonayay inuu baxsado.

Sidoo kale General Abdul Aziz al-Faghm ayaa marka hore dhaawac ahaa loo geeyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Jiddah ee Sacuudi Carabiya ,hayeeshee markii dambe halkaas uu ku geeriyooday.

Si kastaba General-ka la dilay ayaa horey u soo noqday Taliyaha ilaalada qaaska ah Boqorkii hore ee Sacuudiga ee Geeriyooday Cabdalla Bina Cabdicasiis Aala Sacuud.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories