HomeWararSawirro:-Dowladda Somalia oo heshiis Cusub la saxiixatay Saldanada Cumaan

Sawirro:-Dowladda Somalia oo heshiis Cusub la saxiixatay Saldanada Cumaan

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar) oo la Hadley Wakaaladda(SONNA) isagoo ku sugan dalka Canada ayaa sheegay in heshiis muhiim ah ay la galeen madax ka socotay dalka Cumaan,kuwaasi oo qeyb ka ahaa shirka Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO). Wasiir Oomaar oo uu wehliyo Maareeyaha Hay’adda Duulista […]

- Advertisement -

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar) oo la Hadley Wakaaladda(SONNA) isagoo ku sugan dalka Canada ayaa sheegay in heshiis muhiim ah ay la galeen madax ka socotay dalka Cumaan,kuwaasi oo qeyb ka ahaa shirka Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO).

Wasiir Oomaar oo uu wehliyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Waxay Heshiis is afgarad ah la galeen wafdiga Hay’ada Duulista Hawada ee Saldanada Cumaan,waxayna isku afgarteen isku socodka duulimaadyada Labada dal iyo Horumarinta Arrimaha duulimaadka rayidka (Civil Avation) ee labada dal.

- Advertisement -

Heshiiskaasi ayaa wuxuu bar bar socday Shirkii uga socday wadamada adduunka ee xubnaha ka ah Hay’adda Duulista Hawada ee Caalamka (ICAO) Magaalada Monterial ee Dalka Canada,kaasi oo galay wejigiisii labaad oo ah doorashada qeybaha 1aad iyo 2aad wadamada xubinta ka noqonaya guddiga joogtada ah ee 3da sano ee soo socota.

Soomaaliya waxaa shirkaais u matalayay mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) iyo wafdigiisa ayaa markii ay codeyntu dhamaatay ka dib waxa ay kulamo gooni gooni ah la yeesheen qaar kamid ah wafuudii dowladaha caalamka uga qeybgashey shirkaasi Caalamiga ah,isagoo kala hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya dalalkaasi.

- Advertisement -

Wafuudda uu la kulmay Wasiir Oomaar ayaa waxaa ay kala yihiin Wadamada Germany, Saudi Arabia, Turkey, South Africa, Qatar, Malaysia iyo Urur goboleedyada Duulista Hawada ee Jaamacada Carabta (ACAO) iyo kan Africa ee AFCAC.

Shirkan oo ahmiyad gaar ah u leh Dawladda Federaalka Soomaaliya ayey Mas’uuliyiinta Dawladaha Caalamka waxay bogaadiyeen sida Hufnaanta leh oo ay Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u hanatay Maamulidda Hawadeeda,taasi oo ay ku mutaysatay in ay Madaxda Dawladaha bogaadin u muujiyaan Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiir Oomaar iyo dadkii kala shaqeeyey ee Wasaaradiisa,oo dadaalkooda aan hagarta laheyn lagu gaarey Guusha maanta la hantay.

Guusha ugu weyn ayaa ah in Soomaaliya ay hataan si rasmi ah u maamuleyso hawadeeda,muddo ka badan 25 sano kadib,tan iyo burburkii,taasi oo ku timid dadaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories