HomeCaalamkaSawirro:-Dab Xoogan oo qabsaday Xarun ku taalla dalka Sacuudiga

Sawirro:-Dab Xoogan oo qabsaday Xarun ku taalla dalka Sacuudiga

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Qaar kamid ah Warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa shaaciyay in dab xoogan uu qabsaday Xarun Tareeno laga raaco oo ku taalla Magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya. Dabkan oo ah mid Xoogan ayaa qabsasay xarunta tareenka Xarameyn ee Magaalada Jiddah ee Boqortooyadda Sacuudiga,iyadoona uu socdo gurmad lagu deminayo dabkaas, Sidoo kale goobta uu dabka ka socdo […]

- Advertisement -

Qaar kamid ah Warbaahinta dalka Sacuudiga ayaa shaaciyay in dab xoogan uu qabsaday Xarun Tareeno laga raaco oo ku taalla Magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Dabkan oo ah mid Xoogan ayaa qabsasay xarunta tareenka Xarameyn ee Magaalada Jiddah ee Boqortooyadda Sacuudiga,iyadoona uu socdo gurmad lagu deminayo dabkaas,

- Advertisement -

Sidoo kale goobta uu dabka ka socdo ayaa waxaa ku sugan gaadiidka dab-demiska Sacuudiga,waxaana cirka isku shareertay Uuro madow oo baxeysa Xarunta sida ka muuqatada Sawirro laga soo qaaday.

Wararka ayaa intaasi waxaa ku darayaan in uusan Dabkaas geysan wax Khasaaro nafeed ah,hayeeshee uu jiro oo kaliya mid hatiyadeed iyo burbur xoogan oo soo gaaray xarunta.

Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay dabkii ka kacay xarunta tareenka Xarameyn ee magaalada Jiddah ee Boqortooyadda Sacuudiga.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories