HomeWararQarax Ciidamo ka tirsan AMISOM lagula eegtay Magaalada Muqdisho

Qarax Ciidamo ka tirsan AMISOM lagula eegtay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Qaraxaan ayaa Goordhow waxaa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka SOS oo ku yaalla Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir,isla markaana waxaa uu ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso ah. Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM xili ay socdaal ku marayeen agagaarka Isbitaalka […]

- Advertisement -

Qaraxaan ayaa Goordhow waxaa uu ka dhacay agagaarka Isbitaalka SOS oo ku yaalla Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir,isla markaana waxaa uu ahaa Miino nuuca dhulka lagu aaso ah.

Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay in uu haleelay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM xili ay socdaal ku marayeen agagaarka Isbitaalka SOS ee Muqdisho.

- Advertisement -

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in qaraxa kadib Ciidanka AMISOM ay fureen rasaas farabadan,taasi oo aan weli la ogeyn Khasaaraha ay geysatay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in mid kamid ah Kolonyadii ay la socdeen Ciidanka AMISOM uu la haleelay qarxaas miinada ahaa,iyadoo intaasi kadib iska sii wateen socdaalkooda.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ee AMISOM ka soo gaaray qaraxaas lagula eegtay Isbitaalka SOS ee Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Inta badan Kolonyada ay la socdaan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa qaraxyo nooca dhulka la aaso ah waxaa lagula eegtaa Degmada Hiliwaa xiliyada halkaas ay socdaalka ku marayaan,waxaana ka dhasha Khasaaro kala duwan.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories