HomeWararUhuru Kenyatta “Dhibaatooyinka Afrika waa in loo helaa xal Afrika ka yimaada”

Uhuru Kenyatta “Dhibaatooyinka Afrika waa in loo helaa xal Afrika ka yimaada”

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Saacado un kadib markii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay shaacisay in Magaalada New York ee dalka Mareykanka ay ku kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo u kullankaas uu ku wehliyo Madaxweynaha Masar, Cabdul-Fataax Al Sisi ayaa Dowladda Kenya waxaa ay iyadan dhankeeda shaacisay shirkaas iyo waxyabihii la isla soo hadal qaaday. Kenya ayaa sheegtay […]

- Advertisement -

Saacado un kadib markii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay shaacisay in Magaalada New York ee dalka Mareykanka ay ku kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo u kullankaas uu ku wehliyo Madaxweynaha Masar, Cabdul-Fataax Al Sisi ayaa Dowladda Kenya waxaa ay iyadan dhankeeda shaacisay shirkaas iyo waxyabihii la isla soo hadal qaaday.

Kenya ayaa sheegtay in madaxda Afrikaanka ay isla soo hadal qaadeen danaha ka dhaxeeya dalalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

- Advertisement -

“Madaxweyne Kenyatta waxaa uu Madaxweyne Al Sisi uga mahadceliyay shirka, wuxuuna sheegay in Kenya ay marwalba u ololeyso wadaxaajood , ayna u ololeyn doonta wadahadal, iyadoo laga duulayo joogteynta isdhexgalka qaaradda Afrika”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga madaxtoyada Kenya ay ku leedahay Facebok.

Madaxweye Kenyatta waxaa uu carabka ku adkeeyay in ka qaarad ahaan, Afrika ay marwalba raadiso xalka dhibaatooyinka heysta Afrika.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Monica Juma ayaa barteeda Twitter-ka ku qortay : “Kenya waxay soo dhoweyneysaa kullankii ugu horreeyay ee dhanka saxda ah loo qaaday. Kenya markasta way aaminsan tahay, wayna sii wadeysaa in ay ku baaqdo in loo wadahadlo qaabka ugu wanaagsan oo xal Afrikaannimo ah loogu dhameynayo dhibaatada Afrika”

- Advertisement -

Wadahadallo saddex geesood ah oo ay Magaalada New York ee dalka Mareykanka ku yeesheen Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in uu kusoo dhamaaday is faham.

Arrinkan ayaa waxaa lagu shaaciyay bogga Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.

Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeyn doonaa ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray.

Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas ay shegeen in la isku waafaqay.

Kenya ayaa marar badan ku adkeysatay in kiiska dacwadda badda laga soo celiyo maxkamadda, oo is-afgarad lagu dhameeyo.

Khilaafka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa gaaray halkii ugu xumeyd gaaray bishii February markii ay dowladda Kenya u yeeratay safiirkii u jooga Muqdisho, halka kan Soomaalida na ay ku amartay in uu dalkiisa ku laabto.

Waxay ka dambeysay Kenya oo ku doodaysa in Soomaaliya “ay ku xaraashtay” magaalada London ee wadanka Ingiriiska ceelal shidaal oo ku yaal dhulka xuduudda ee lagu muransan yahay. Soomaliya ayaa arrintaa si kulul u beenisay.

Kulanka New York ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee yeeshaan labada hogaamiye tan iyo bishii March markaas oo ay ku kulmeen magaalada Nairobi. kuna heshiiyeen inay soo celiyaan xiriirka labada dal, sida uu sheegay ra’isilwasaaraha Itoobiya Aby Axmed oo labada dhinac dhexdhexadinayay.

Balse tan iyo markaasi waxaa dhacay dhacdoyin loo arkayay inuu dhaawac ku yahay xiriirka labada dal sida Kenya oo dib u billowday inay diyaardaha Soomaaliya soo maraan Wajeer, iyo Soomaaliya oo dalabatay in shirarkii Nairobi ka dhici jiray qeyb ka mid ah loo wareeiyay dalalka kale ee deriska ah.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2014-ka ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka ay u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya, iyaddoona dooneesay in soohdinta badda ee labada dal la waafajiyo tan barriga.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories