HomeWararSawirro:- Maxaa looga hadlay kulankii dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Bangiga...

Sawirro:- Maxaa looga hadlay kulankii dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka?

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaaajo oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa kulamo kala duwan la qaatay saacadihii la soo dhaafay masuuliyiin kala duwan oo ka qeybgashay shirka-aad ee golaha guud ee QM. Kulankii uu la qaatay madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass ayaa waxaa looga hadlay arrimaha maaliyadda ee dalka  isaga oo ka xog […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda fedraalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaaajo oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa kulamo kala duwan la qaatay saacadihii la soo dhaafay masuuliyiin kala duwan oo ka qeybgashay shirka-aad ee golaha guud ee QM.

Kulankii uu la qaatay madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass ayaa waxaa looga hadlay arrimaha maaliyadda ee dalka  isaga oo ka xog wareystay sida ay Somalia uga go’antahay in la hagaajiyo arrimaha maaliyadda dalka.

- Advertisement -

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle aya bartiisa Facebook ku daabacay in isaga iyo madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ay la kulmeen madaxweynaha Bangiga Adduunka.

“Waxaa sharaf ii ah anigoo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee #UNGA in aan kulamo gaar-gaar ah la qaadanay Madaxda Bangiga Aduunka iyo IMF”

Madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass ayaa si gaar ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo u siiyay warbixin ku saabsan qaabka uu Bangigu ula dhacsanyahay hanaanka Maaliyadeed ee Dalkeena.

- Advertisement -

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Agaasimaha guud ee IMF ee hada xilka ka sii dagaya David Lipton oo aan inbadan soo wada shaqeynay iyo Kristalina Georgiev oo iyaduna ah Agaasimaha cusub ee dhawaan shaqada la wareegi doonta, sidoo kalena waxay si wanaagsan noola shaqeysay intii ay joogtay Bangiga Adduunka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories