HomeCaalamkaQoraalka wada-sheekeysigii Madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ukraine oo la baahiyay

Qoraalka wada-sheekeysigii Madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ukraine oo la baahiyay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa maanta baahiyey qoraalka wada sheekeysi taleefon oo dhex-maray madaxweynah Donald Trump iyo dhiggiisa dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, 25-kii July. Qoraalka ayaa xaqiijiyey in Trump uu Zelensky weydiistay inuu baaro mucaaradkiisa siyaasadeed, Joe Biden. Go’aanka maanta lagu sii daayey qoraalka ayaa yimid maalin kadib markii dimoqraadiga ay ka faa’iideysteen eedeymahan xasaasiga […]

- Advertisement -

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa maanta baahiyey qoraalka wada sheekeysi taleefon oo dhex-maray madaxweynah Donald Trump iyo dhiggiisa dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, 25-kii July.

Qoraalka ayaa xaqiijiyey in Trump uu Zelensky weydiistay inuu baaro mucaaradkiisa siyaasadeed, Joe Biden.

- Advertisement -

Go’aanka maanta lagu sii daayey qoraalka ayaa yimid maalin kadib markii dimoqraadiga ay ka faa’iideysteen eedeymahan xasaasiga ah, si ay u billaabaan baaris rasmi ah oo hoggaamin karta in Trump xilka laga xayuuibiyo.

“Waxaa jira warar badan oo ku saabsan wiilka Biden, oo ah in Biden uu joojiyey in dacwad lagu soo oogo, waxaana dad badan ay doonayaan inay ogaadaan arrintaas, sidaas darteed wax kasta oo aad la qaban karto xeer-ilaaliyaha qaranka, way wanaagsan lahayd” ayuu Trump ku yiri Volodymyr Zelensky.

Intii uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Obama, ayaa Biden iyo hoggaamiyayaasha kale ee Reer Galbeedka, waxay Ukraine ku cadaadiyeen inay cayriso dacwad-oogaha sare ee dalkaas, Viktor Shokin, sababta oo ah waxaa loo arkay nin aan ku adkeyn la-dagaalanka musuq-maasuqa.

- Advertisement -

“Biden wuxuu ku faanayey inuu joojiyey dacwad soo oogista, sidaas darteed haddii aad bal eegi karto, waxay iila muuqataa arrin aad u xun” ayuu yiri Trump.

Dokumenti ka kooban shan bog — oo ah nuxurka guud ee wicitaanka, balse aan ahayn wada-hadalkii oo dhan oo eray-ka-eray ah – ayaa la baahiyey xilli Trump uu iska diyaarinayo inuu Zelensky kula doc kulmo Kulanka Guud ee QM ee New York.

Dimoqraadiga, oo si rasmi ah u billaabay hannaan dalab xil ka-xayuubin, ayaa baaraya in Trump uu dowlad shisheeye ku cadaadiyey inay baarto ninka la loolamaya, iyo in 400 oo dollar oo ah taageero Mareykanka uu siiyo Ukraine uu arrintaas uga faa’iideysatay. Nuxurka wada-hadalka ee la baahiyey meelna ugama xusna lacagtaas.

Wada sheekeysigan taleefon ee dhacay 25-kii July ayaa ka mid ahaa qoraal cabasho ah oo uu diyaariyey qof dareemay fal sharci-darro ah. Qoraalkaas ayaan weli loo ogolaan inay arkaan sharci-dejiyayaasha Mareykanka.

Aqalka Cad ayaa horey u xannibay inuu qoraalkan u gudbiyo guddiga sirdoonka ee Congress-ka, sida sharciga uu qabo.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories