HomeWararTaabid Cabdi oo xayiraadii Sheekh Shariif ku tilmaamay Arrin fajac ah

Taabid Cabdi oo xayiraadii Sheekh Shariif ku tilmaamay Arrin fajac ah

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir ahana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay dhacdadii shalay lagu xanibay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo uu ku wajahnaa Magaalada Kismaayo. Taabid Cabdi ayaa ayaa falkii shalay lagu xanibay Sheekh Shariif ee ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Muqdisho ku […]

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir ahana Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay dhacdadii shalay lagu xanibay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo uu ku wajahnaa Magaalada Kismaayo.

Taabid Cabdi ayaa ayaa falkii shalay lagu xanibay Sheekh Shariif ee ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Muqdisho ku tilmaamay inuu ahaa mid laga wada fajacay oo aan marna la filan karin.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir ayaa xusay in Madaxda dowladda Soomaaliya ay la gudboon tahay in ay si waafi ah mashaqadan jawaab uga bixisaa, iyada oo maanka ku heysa in sharcigii dalka la baal maray wixii  shalay ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

War qoraal oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Taabid Cabdi Maxamed ayuu uga hadlay arrintaas,waxaana uu qornaa sidan:

Waxa ka dhacay Airporka Adan Cadde waa wax laga wada fajacay oo aanan marnaba la filan karin. Madaxweyne Sharif Sh. Ahmed oo ka mid ah astaamaha dalka, Dowladda rasmiga ee maanta la heystana sababteeda lahaa, in xad-gudubkaa loo geystaa waa CEEB QARAN.

- Advertisement -

Xorriyadda hadalka iyo isu-socodka waa mid ku dhowrsan xeerarka caalamiga ah iyo mida dastuurka dalka. Sharafka iyo karaamada aadanaha waa laguma xadgudbaan, dhowristeedana waa waajib saaran dadka oo dhan, sida ku cad dastuurka dalka.

Waxaan sidookale aad uga xumahay muwaadiniinta kale ee maanta is-hor-istaagaas uu si guud iyo si gaar ahba u saameysay.

Dowladda Federaalka waxaa la gudboon in ay si waafi ah mashaqadan jawaab uga bixisaa, iyada oo maanka ku heysa in sharcigii dalka la baal maray wixii maanta ka dhacay Airporka Adan Cadde.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories