HomeWararC/raxmaan C/Shakuur “Madaxda Dowladda xiligaan Dalka kaligood ma laha”

C/raxmaan C/Shakuur “Madaxda Dowladda xiligaan Dalka kaligood ma laha”

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Guddoomiyaha Xisbiga wadajir Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Cambaareeyay xayiraadda safar ee loo geystay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmad iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay u dhoofayay Magaalada Kismaayo. C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 21-aad uu dammaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka,isla markaaa xusay in Madaxda haatan talada dalka heysa in aysan […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga wadajir Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Cambaareeyay xayiraadda safar ee loo geystay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmad iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay u dhoofayay Magaalada Kismaayo.

C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 21-aad uu dammaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka,isla markaaa xusay in Madaxda haatan talada dalka heysa in aysan kaligood dalka laheyn.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga wadajir Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame ayaa tilmaamay in Sheekh Shariif halgankiisa siyaasadeed ka soo billawday soo deynta wiil ardaydiisa ka mid ah oo xorriyaddiisa laga qaaday.

Hoos ka Akhriso War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Guddoomiyaha Xisbiga wadajir Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xayiraadda safar ee loo geystay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmad, wafdigiisa iyo shacabkii Kismaayo u dhoofayey. Sheekh Shariif wuxuu halgankiisa siyaasadeed ka soo billawday soo deynta wiil ardaydiisa ka mid ah oo xorriyaddiisa laga qaaday, maantana waxay joogtaa in isaga xorriyadda socodka laga qaado.

- Advertisement -

Dastuurka Soomaaliya qodobkiisa 21-aad ayaa dammaanad qaadaya xorriyadda Isu-socodka. Dowladnimo dastuur ayey ku dhisan tahay, ku tumashada dastuurkana waa khiyaano qaran. Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre amarkooda ayaa lagu laayey shacabkii Baydhabo, doorasho ay AMISOM tartamayaashii qaarkood xabsiga dhigtay, dadkii ka dhiidhayeyna laysay ayuu Farmaajo caleema saarkeedii cammirtay.

Dalka kaligood ma laha, Dastuurkana kama wayna, haddiise ay u qaateen in dulqaadku yahay daciiftinimo, is-xakamayntu tahay itaal yari, tanaasulkana yahay taagdarri, dhabtii waddada ay ku socdaan waa mid horay ka xiran.

Maadaama iyadoo dastuurkii lagu tumanayo, heshiiskii bulsho ee nabadda jilicsan ee dalkeena lagu ilaalinayey, la burinayo, daandaansi kasta oo dhiilo iyo colaad horseedi kara lagu kacayo , lana ogyahay muruqa iyo awoodda lagu dangiigana ay l kan AMISOM yahay, ayna waxa dhacaya ka aamusan tahay, eedda AMISOM ayaan leh, iyadaana ka masuul ah wixii dalkaa ka dhaca.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories