HomeCaalamkaArday ku dhimatay iskuul ku yaalla Nairobi oo soo dumay

Arday ku dhimatay iskuul ku yaalla Nairobi oo soo dumay

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Toddoba caruur ah ayaa geeriyooday, ugu yaraan 57 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii maanta uu soo dumay iskuul ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda. Dhismaha ayaa burburay waxyar un kadib toddobadii subaxnimo markaasi oo caruurta ay galayeen fasalladooda. Taleefishinada gudaha ayaa muujinayey muuqalalda shaqaalaha gurmadka deg degga oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Toddoba caruur ah ayaa geeriyooday, ugu yaraan 57 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii maanta uu soo dumay iskuul ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Dhismaha ayaa burburay waxyar un kadib toddobadii subaxnimo markaasi oo caruurta ay galayeen fasalladooda.

- Advertisement -

Taleefishinada gudaha ayaa muujinayey muuqalalda shaqaalaha gurmadka deg degga oo baaraya biraha shubka iyo dhagxaanta burburka iskuulka Precious Talent, islamarkaana marooyin cad ku sida meydad lagu qaaday baabuurta gurmadka deg degga.

“Waxaa jira 57 arday oo dawo loogu qaaday isbitalka, waxaana sidoo kale xaqiijin karnaa dhimashada toddoba qof” waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Cyrus Oguna.

Isbitalka Kenyatta ayaa goor dambe barta twitter-ka ku sheegay in 64 arday la keenay isbitalka.

- Advertisement -

Waxaa buburay dabaqa koowaad ee dhismaha iskuulka, taasi oo caruur badan ku go’doomisay hoostiisa, waxaa sidaas taleefishinka NTV u sheegay xildhibaan deegaan oo lagu magacaabo John Kairie.

Weli ma cadda waxa sababay in iskuulka soo dumo, hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa horey uga digay in qiyaastii 30 illaa 40,000 oo dhismo oo Nairobi laga dhisay, ayada oo aanay dowladda fasaxin ay halis ugu jiraan inay burburaan.

Saddex sano ka hor, dhisme ka kooban lix dabaq oo ku buburay Nairobi ayaa sababay dhimashada 51 qof, kadib roobab xooggan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts