HomeWararXasan Sheekh oo ka hadlay Xayiraadii DFS ku soo rogtay Garoonka diyaaradaha...

Xasan Sheekh oo ka hadlay Xayiraadii DFS ku soo rogtay Garoonka diyaaradaha Kismaayo

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Xayiraadii dowladda Soomaaliya kusoo rogtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo,taasi oo dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan dadkii u duuli lahaa halkaas. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in xaalad Murugo ah ay tahay in dowladda Soomaaliya haatan maareynta hawada u isticmaasho hub siyaasadeed oo […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Xayiraadii dowladda Soomaaliya kusoo rogtay Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo,taasi oo dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan dadkii u duuli lahaa halkaas.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in xaalad Murugo ah ay tahay in dowladda Soomaaliya haatan maareynta hawada u isticmaasho hub siyaasadeed oo saameyn Culus yeeran karta arrintaas.

- Advertisement -

War qoraal ah oo bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka kusoo qoray ayuu sheegay Xasan Sheekh in Soomaaliya ay muddo 30 sano ah sugeysay inay gacanta ku dhigto maamulka Hawadeeda.

“Waa xaalad murugo leh in dowladdu u isticmaasho maareynta hawada sidii hub siyaasadeed oo saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyntii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu dowladda Federaalka ugu baaqay inay ka fikirto tallaabada ay qaadeyso,isla markaana ay joojiso sida ay hada loo wado.

- Advertisement -

Si kastaba hadalka Xasan Sheekh ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo Maanta dowladda Federaalka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku xayirtay Sheekh Shariif Sh Axmed,isla markaana ka joojisay diyaarad uu ugu ambabixi lahaa Magaalada Kismaayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories