HomeWararSawirro:-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo tababar usoo xiray Ciidamo Cusub

Sawirro:-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo tababar usoo xiray Ciidamo Cusub

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tababar usoo xiray  250 Askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo muddo 8-bilood ah uga socdey xerada 54-aad ee taliska ciidanka Daraawiishta Puntland. Xidhitaanka tababarkani ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidanka Daraakiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddiga La-taliyayaasha […]

- Advertisement -

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tababar usoo xiray  250 Askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada oo muddo 8-bilood ah uga socdey xerada 54-aad ee taliska ciidanka Daraawiishta Puntland.

Xidhitaanka tababarkani ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidanka Daraakiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddiga La-taliyayaasha Arrimaha Ciidanka ee Madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Daraashiishta Puntland.

- Advertisement -

Ciidanka Birmadka ee maanta tababarku usoo xiray ayaa soo bandhigay xirfadaha iyo xeeladaha ciidanka, tabta difaaca xuduudaha dalka ee ka hortagga cadawga, sugidda amniga Madaxda, suggidda amniga shacabka, badbaadinta goobaha ay ka dhacaan hawlgaladu, xeeladaha ka hortagga shacabka kusoo dhex-dhuunta, ad-adayg, edaab ‘’Asluub’’, ka hortagga xaaladaha deg-degga ah iyo xirfado kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo usoo xiray tababarkani ciidanka ayaa bogaadiyey dedaalka dheer ee masuuliyiinta ciidanku ku bixiyeen dhismaha iyo tababarka xirfadaysan ee ciidanku maanta soo bandhigeen.

 

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories