HomeWararKulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda Madaxweyneyaashii hore ee Somalia iyo...

Kulan xasaasi ah oo Muqdisho uga socda Madaxweyneyaashii hore ee Somalia iyo Xildhibaano

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Guriga uu degan yahay Sheekh Shariif ayaa waxaa haatan kulan xasaasi ah uu uga socdaa Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Sheekh Shariif Sh Axmed ,Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka dalka iyo qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada dalka. Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa warar la […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Guriga uu degan yahay Sheekh Shariif ayaa waxaa haatan kulan xasaasi ah uu uga socdaa Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,Sheekh Shariif Sh Axmed ,Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka dalka iyo qaar kamid ah Madaxda Xisbiyada dalka.

Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan in kulanka looga hadlayo arrintii Maanta lagu xanibay Sheekh Shariif xili uu doonayay in uu u duulo Magaalada Kismaayo,hayeeshee loo diiday safarkaas oo la celiyay diyaaradii Kismaayo u qaadi laheyd.

- Advertisement -

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan siyaasadda Soomaaliya,waxaana arrintaas iska xog-wareysanaya Mas’uuliyiinta uu kulanka haatan uga socdo Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa la sheegay in dowlada Soomaaliya Ergo u soo dirtay Sheekh Shariif si loo xaliyo dhacdadii lagu xayirday diyaaradii Kismaayo u qaadi lahyed Shariif,waxaana Ergada hogaaminayay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Intaasi kadib ayaa kulan gaar ah waxaa uu dhexmaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shekh Shariif iyo Wasiir Islow,waxaana kulankas uu ahaa mid lagu raali gelinayo Shariif.

- Advertisement -

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kulankaas laga soo saaray,balse wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadaha soo socda dowlada Federaalka Soomaaliya ay war kasoo saari doono.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories