HomeWararDowladda Federaalka oo amar kale dul-dhigtay Diyaaradaha u duula Kismaayo

Dowladda Federaalka oo amar kale dul-dhigtay Diyaaradaha u duula Kismaayo

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa Shirkadda diyaaradaha ee u duula Magaalada Kismaayo lagu amray inay soo Codsan markii ay rabaa inay aadan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Jubbaland. Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa Shirkadda diyaaradaha ku amartay in 24-saacadood ka hor soo ay dalbadan […]

- Advertisement -

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa Shirkadda diyaaradaha ee u duula Magaalada Kismaayo lagu amray inay soo Codsan markii ay rabaa inay aadan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah Jubbaland.

Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa Shirkadda diyaaradaha ku amartay in 24-saacadood ka hor soo ay dalbadan fasaxa ah inay u duuli karaan Magaalada Kismaayo.

- Advertisement -

Sidoo kale waxaa la sheegay in Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ay diyaarisay Foom laga buuxin doono Shirkadda diyaaradaha ee doonaya inay dadka u qaadan Kismaayo,isla markaana ay Foomkaas buuxin doonaan.

Dhawaan ayay aheyd markii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ku amartay  diyaaradaha aada iyo kuwa yimaada Magaalada Kismaayo  inay soo maraan  Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Si kastaba Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka dhacdo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),iyadoona ay ka qeyb galayaan sida uu qorshuhu yahay Madax kala duwan oo lagu Casuumay.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories