HomeCaalamkaBanaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxwayne Sisi oo ka dhacay Qaahira

Banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxwayne Sisi oo ka dhacay Qaahira

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Booliiska dalka Masar ayaa waxay isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayal isugu soo baxay magaalada Qaahira. Waa dibadbaxii ugu horreeyya ee Masar ka dhaca tan iyo intii uu xukunka la wareegay madaxwayne Cabdul Fattax al-Sisi 2014. Boqollaal reer Masar ah ayaa soo buux dhaafiyay fagaaraha Taxriir ee Qaahira- oo ahayd […]

- Advertisement -

Booliiska dalka Masar ayaa waxay isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayal isugu soo baxay magaalada Qaahira.

Waa dibadbaxii ugu horreeyya ee Masar ka dhaca tan iyo intii uu xukunka la wareegay madaxwayne Cabdul Fattax al-Sisi 2014.

- Advertisement -

Boqollaal reer Masar ah ayaa soo buux dhaafiyay fagaaraha Taxriir ee Qaahira- oo ahayd goobtii uu ka bilaabmay kacdoonkii Masar ee 2011 xukunka looga tuuray Xusni Mubaarak.

Waxaa sidoo kale dibadbaxyo laga soo sheegayaa meelo kale oo ka tirsan dalka masar.

Dibadbaxayaasha ay ka jawaabayay eedeeyn musuqmaasuq oo loo soo jeediyay dowladda madaxwayne Sisi.

- Advertisement -

Ganacsade reer masar ah islamarkana ah jilaa, Moxamed Cali, ayaa muuqaalo is xig-xiga oo uu ku baahiyay baraha bulshada waxa u ku eedeeyay madaxwayanha Masar in malaayiin doolar uu ku lumiyay dhismooyiin kuwa raaxadaa ah iyo huteelo xilli ay malaayiin reer Masar ah ku nool yihiin faqri.

Dowladda Masar ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday barnaamij gunti-giijis dhaqaale ah ka dib dhibaato dhaqaale oo dalkaasi la soo gudboonaatay.

Madaxwayne Sisi ayaa beeniyay eedeeynta waxa uuna ku tilmaamay “been”.

Sanadkii 2013, Mr Sisi waxa uu hogaaminayay afgembi militari oo xukunka looga tuuray madaxwaynihii ugu horeeyay ee sida dimuqraadiyda ah loogu doorto Masar , Maxammed Morsi, ka dibadbaxyo xukunkiisa looga soo horjeedo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories