HomeWararWasiir Oomaar “laguma kalsoonaan karo maamulka hadda gacanta ku haya Kismaayo”

Wasiir Oomaar “laguma kalsoonaan karo maamulka hadda gacanta ku haya Kismaayo”

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay eedeyn kulul oo uga timid dhinaca maamulka Jubbaland ee uu majaraha u hayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). War-saxaafadeed Maanta ay soo saareen mas’uuliyiinta Jubbaland ayey ku sheegeen in dowladda Federaalka ay si gaar ah duullaan ugu tahay magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulkooda, iyagoo […]

- Advertisement -

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay eedeyn kulul oo uga timid dhinaca maamulka Jubbaland ee uu majaraha u hayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

War-saxaafadeed Maanta ay soo saareen mas’uuliyiinta Jubbaland ayey ku sheegeen in dowladda Federaalka ay si gaar ah duullaan ugu tahay magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulkooda, iyagoo caro ka muujinaya go’aankii diyaaradaha ku wajahan Kismaayo loogu amray inay marka hore Muqdisho maraan.

- Advertisement -

Hase ahaatee, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Maxamad Cabdillahi Salaad Oomaar oo ka falceliyay eedeyntaas ayaa BBC-da u sheegay inay amarka diyaaradaha u soo saareen amniga qaranka dartiis, isagoo intaa ku daray in markii la hubiyo in diyaaradaha tagaya halkaasi aanay khatar ku ahayn amniga wadanka go’aankaasi dib loola laaban doono.

Wuxuu wasiirku si cad u sheegay in xukuumadda dhexe aysan ku kalsoonaan karin maamulka hadda gacanta ku haya Kismaayo.

“Waa iska caadi in diyaaradaha dibadda ka yimid ee tagaya gobollada dalka ay soo maraan magaalada caasimadda ah, tanna waxaa keentay kaliya inaan qaadanno mas’uuliyaddii ahayd maamulka xuduudaha iyo hawada Soomaaliya waxa soo galaya iyo waxa ka baxayaba, maadaama aysan jirin dowlad la aqoonsan yahay oo mas’uuliyaddeedi aan ku halleyno, waxaan Xamar ku qabannaa waajibkii na saarnaa oo kaliya”.

- Advertisement -

Go’aankan ayaa caqabad weyn ku noqday dadweynihii deegaannada kale ee Jubbaland ka safrayay ee adeegyada caafimaad u tagi jiray magaalada Kismaayo, kuwaasoo hadda ku khasban inay kharash badan ku bixiyaan socdaalka ay diyaaradaha Kismaayo u socda marka hore ugu sii hakanayaan magaalada Muqdisho.

Laakiin wasiirka ayaa beeniyay in in qarashkaas uu aad u badan yahay, wuxuuna sheegay in wali go’aankooda uu yahay in “diyaarad kasta oo tageysa ama ka baxeysa Kismaayo ay garoonka Muqdisho soo marto”.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories