HomeWararWararkii ugu dambeeyay Guddoomiyaha D/Warsheekh oo dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaankiisa

Wararkii ugu dambeeyay Guddoomiyaha D/Warsheekh oo dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaankiisa

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xasan Xaaji Axmed Darafeey  ayaa dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka degmdaas oo dhawaan la doortay. Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Degmada Warsheekh oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Guddoomiye Darafeey ay xabad kaga fakatay […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Xasan Xaaji Axmed Darafeey  ayaa dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka degmdaas oo dhawaan la doortay.

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Degmada Warsheekh oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Guddoomiye Darafeey ay xabad kaga fakatay Xildhibaan Xasan Cali Nuur  oo loo yaqaano Makaraan xili uu siinayay tababar ku aadan sida loo rido Bastoolad.

- Advertisement -

Intaasi kadib Xildhibaan Makaraan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudur,waxaana xabada ay uga dhacday gacanta bixi,iyadoo dhaawaciisa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho oo la dhigay Isbitaalka Keesaney.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in xaalada Caafimaad ee Xildhibaan Xasan Cali Nuur ay tahay mid aad u wanaagsan,isla markaana ay ka soo hagaageyso sidii marka hore ay aheyd.

Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Warsheekh Xasan Xaaji Axmed Darafeer ayaa waxaa la soo doortay Bishii la soo dhaafay ee Agoosto,waxaana doortay Golaha deegaanka Degamdaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories